Shacabka Bay iyo Bakool oo diiday baaq uga yimid Abuu Mansoor.

Halkaan ka akhri

Waxaa soo shaac baxeysa khilaafaad xoogan oo soo kala dhex gallay Maamulka Kooxda Shabaabka ee Gobolka Baay iyo Odayaasha Dhaqanka  bulshada ku dhaqan magaaladda Baydhabo, oo loogu yeeray inay dagaalada ka qeyb qaataan.

Maalmihii ugu dambeeyay Horjoogayaasha kooxda Shabaabka ayaa waxay shacabka ku dhaqan magaaladda Baydhabo, ay ku booriyeen inay kaalin weyn ka qaataan duullaano la sheegay in looga hortaggo Ciidamadda Dowlada Kenya ee soo galay Gobolka Gedo.

Horjoogaha Gobolka Baay, ayaa waxay sheegeyn in shacabka reer Baydhabo ay yihiin dad u taagan la dagaalanka waxa ay ugu yeereyn cadowga, hase ahaatee taasi ayaad moodaa inay shacabku ka soo horjeesteen.

Horjooge Abuu Safiya, Madaxa Beydhabo oo laga maqlaayay Idaacada Andulus laanteeda magaaladda Baydhabo, ayaa wuxuu shacabku uu ku adkeeyay inay dagaalada ka qeyb qaataan, isagoo Odaayasha ku adeeyay iney keenaan dhalinyarada iyagana ay isku diyaariyaan dagaalada

HorjoogeCumar Cabdi Kariim oo isna madax ka ah Gobolka bay uguna tunka weyn maamulka kooxdani ee Bay, ayaa wuxuu sheegay in dadku uu ka soo jeedo waa reer Baay iyo Bakool, in uu uga fadhiyo inay dagaalada ka qeyb qaataan kaalintooda ku aadan.

Hadaba arintaan ayaa waxaa dhinacoodu ka biyo diiday shacabka ku dhaqan magaaladda Baydhabo, waxayna magaaladda Baydhabo isla dhex marayaan guux hoose, oo ay kaga soo horjeedaan hadalada ka soo yeeray Horjoogayaasha Shabaabku, bacdamaa aysan dadku awood u laheyn inay dareenkoodu muujiyaan.

Wararka ka imaanaaya magaaladda Baydhabo ayaa waxay sheegeen in shacabka reer Baydhabo aysan xilligaan diyaar u yihiin dagaalo, waxayna sheegeyn inaysan weli ka soo kaban nabarada ka soo gaaray taageerada ay siiyeen Kooxda Shabaabka.

Lama oga waxa ay ku soo idlaan doonto natiijada kooxdani iyo shacabka ku dhaqan magaaladda Baydhabo, inkastoo odayaasha Beesha Laysaan ay xalay si weyn u taageereen kooxdooda, markii ay shir culus ku yeesheen magaaladda Baydhabo.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: