Al-Shabaab oo dagaaladii Dayniile looga dilay saraakiil badan oo isugu jirta Ajaanib iyo Soomaali.

Halkaan ka akhri

Xasan oo ah gudoomiyaha degmada Deyniile ayaa sheegay in dagaakii k dhacay degmada deyniile ay ku dileen saraakiil shabaab ah oo ka qeyb qaadanayey dagaalka.

“Ciidamada dowlada ayaa ku guulaystay inay dilaan hogaamiyaal shabaab iyo ajaaniib”ayuu saxafada gudaha u sheegay gudoomiyaha degmada deyniile ee dowlada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay ku guulaysteen guud ahaan gacan ku heynt degmada deyniile ee maalmihii la soo dhaafay ay ku hardamayeen ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo ururka shabaab.

Daahir Xasan ayaa soo hadal qaaday inaysan waxba ka jirin in Al-shabaab ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah degmada deyniile.

Ka sokow hadalkani ka soo baxay gudoomiyaha degmada deyniille ayaa hadana waxaa jira in dadka deegaanka ay ku waramayaan in ciidamada ay isku hor fadhiyaan xaruunta degmada deyniile.

Degmada deyniile oo ah halkii ugu danbeysay ee shabaab ku sugnayeen ayaa xaaladeedu waxa ay tahay mid saacad waliba dagaalo ay ka dhici karaan maadaama shabaab ay isku aruursanayaan meel aan sidaa ugu fogeyn deyniille.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: