Boqolaal Barakacayaal ah oo dib ugu soo noqonaya guryahooda xaafadihii magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhri

Boqolaal qoys oo deganaa deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay caasimada kadib in ka badan 2 sanadood oo ay halkaasi ku noolaayeen.

Dadkan oo intooda badan kasoo barakacay deegaanada Garas Baaleey iyo Taree Dishe ayaa kusoo laabtay degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho kadib marki magaalada inteeda badan ay noqotay meel degan oo nabad ah.

Dib usoo laabashada dadkan ayaa waxaa sabab u ah, dagaalada ka socdo Daayniile oo aad u saameeyey iyo cabsi ah in dagaal uu ka qarxo deegaanada ku hareereysan Taree Dishe iyo Garas-Baaleey iyo Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale dadka baabuurta iyo gaari dameerada ay wadaan ee dib ugu usoo laabanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka imaanayaan deegaanda Dayniile, Taree Dishe iyo Ceelasha Biyaha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: