Abuu Mansuur oo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ka cafiyaan wixii dhibaato gaaray, haddii kale ay sugaan xilli la wada hadli karo.

HOOS KA DHEGAYSO HADALKIISA

Halkan ka akhri

Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansoor) ayaa hadal uu shalay ka jeediyay magaalada Baydhabo umadda Soomaaliyeed uga codsaday inay cafiyaan, isagoo qirtay in ay ummada Soomaaliyeed dhibaatooyin badan ka tabanayaan kooxdiisa, islamaakana ay xittaa macquul tahay in shacabka rabitaankiisu uusan ahayn Al-Shabaab.

Abuu mansoor ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay cafiyaan wax alla wixii dhibaato ah ee ay ka tabanayaan, isagoo marar badan shacabka cafis ka dalbay, wuxuu waydiistay in loo dulqaato haddii aan la cafin karin oo waqti la siiyo, isagoo ballan ku qaaday inay shacabka ka gar bixi doonaan.

Wuxuu Soomaalida u sheegayin haddii aysan cafin karin ay sugaan waqti ay wada hadlaan oo gogol wada dhigtaan geed hoostiis, si qofkii wax tabanaya looga qanciyo.

Hadalka Mukhtaar Rooboow oo Nuxurkiisu ahaa, 2 qodob oo kala ahaa, inuu shacabka Soomaaliyeed cafis ka dalbay iyo inuu aad ugu hanjabay dowladda Kenya oo uu ku goodiyay inay dowlad islaami ah u dhisi doonaan mustaqbalka.

Nuxurka Hadalka ABUU MANSOOR halkaan hoose ka dhegayso.

FARRIIN GODANE MAANTA SOO DIRAY HALKAAN RIIX OO DHEGAYSO

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: