Xafiiska Ra’isal wasaare Gaas oo laga shaqaaleeyay 11 qof oo ay qaraabo hoose yihiin, halka Shaqaalihii hore laruqseeyay.

HOOS KA FIIRI MAGACYADA CUSUB

Halkan ka akhri

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayaay warar kala duwan oo isugu jiray, dhaliilo, eedeyn iyo waxyaabo kale oo loo jeedinayay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas oo  la sheegayay in ay xafiiskiisa hareeyeen arrimo isugu jira wax isdaba marin iyo shaqaaleysiin dad fara badan oo ay qarabo yihiin.

Hadaba SomaliSwiss oo arrimahaas daba joogta ayaa baaritaan ku samaysay wararkaas ku saabsan qabyaaladda iyo musuq maasuqa, waxaana halkaan idin kugu iftiimin doonnaa wixii ka soo baxay baaritaankii aan samaynay.

SomaliSwiss waxay ogaatay in 13.08.2011- Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’isal wasaaraha lagu magacaabay  Cabdiraxmaan Warsame Cabdi (BURHAAN) in uu ka noqdo agaasimaha guud ee xafiiska Ra’isal wasaaraha, arrintaas oo ay ka wada naxeen shaqaalihii xafiiska oo dhan, sababo la xiriira, ninka loo magacaabay agaasimaha oo aad loogu xaman jiray nin wax isdaba marinta aan la dhuuman, qabyaaladuna  ku weentahay.

SomaliSwiss, oo baaritaan ay samaysay ka sokoow, xog wareysatay qaar badan oo ka mid ah shaqaalihii xafiiskaas ayaa ogaatay in Go’aanka magacaabista agaasimahaas cusub uu ahaa mid uu jeclaystay Ra’isal wasaaruhu, sidaasi darteed loo fasaxay inuu ruqseeyo, ama qoro cidii uu doono.

Shaqaale kala duwan oo SomaliSwiss u xog warramay ayaa isku wada raacay in Mr Burhaan, agaasimaha cusub, isla markii uu shaqada la wareegay, wixii ugu horeeyay ee uu qabto ay ahayd inuu shaqo joojin ku sameeyay shaqaalaha oo dhan.

Markii laga soo tago, in xafiiska ra’isal wasaaraha uu lahaa nidaam uu u shaqeeyo ama uu u dhisanaa oo qof waliba uu hayay shaqo u gooniya,  hadana agaasimaha cusub wuxuu fara gelin toos ah ku sameeyay howlihii ay hayeen agaasime waaxeedyada xafiiska.

Qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska, waxay SomaliSwiss u sheegeen inuu hay’ado sama fal ka ijaaray laba gaari oo xafiisku lahaa oo noocoodu ahaa Land Rover, kuwaas oo laga kala ijaaray Laba hay’adood oo samafal u jooga Muqdisho oo laga kala leeyahay Urdun iyo Iran.

Howl wadeenada xafiisku waxay sheegeen, in Agaasimaha cusub Mr. Burhaan oo ay qaraabo yihiin ra’isal wasaaraha uu isla markiiba Puntland ka dalbaday 10 qof oo la shaqeysa, halka uu shaqaalihii hore, qaarna shaqada ka eryay, kuwa kalena laga cuuryaamiyay howshoodii.

Shaqaalihii xafiiska ayaa isku raacay in agaasimuhu qortay tobaneeyo dhallin yaro ah oo ay hayb wadaag yihiin, isagoo u dhiibay shaqadii ay hayeen 32 shaqaale hore uga shaqeynayay xafiiska, hase yeeshee markii laga soo tago sheegashadaas shaqaalaha SomaliSwiss ayaa baaritaan ay samaysay ku ogaatay in 9 shaqaalaha cusub ka mid ah ay qaraabo hoose yihiin Ra’isal wasaaraha iyo agaasimihiisa, qaar ka mid ah oo aan helnay magacyadooda iyo sawiradooda ayaan ogaannay in ka mid yihiin:

  1.     Hassan Awil Farah oo lagu magacaabay Assistant to the PM
  2.     Mr. Ali Ahmed Jama,  Personal assistance
  3.     Mr. Abdukadir Khalif Jama  La-taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Qurbe Joogta & Jaaliyadaha.
  4.     Mohamed Abdi Dayib, Deputy Humanitarian Co-ordinator Aid
  5.         Mr. Abdiwahab Abdulahi Ali Personal assistance
  6.     Iyo kuwa kale oo ay ka mid yihiin in dad ka mid ahaa ciidanka Sakuuratiga u qaabilsan xafiiska laga saaray liiskaas, isla markaana lagu daray shaqaalaha caadiga ah si ay u helaan mushaar aad uga badan kii markii ay ciidanka ahaayeen.

Howsha waxaa ay isku badashay in dadka qaarkii la ruqseeyo qaarna xilalkooda laga qaado qaarna xafiiska Ra’iisal Wasaaraha hortiisa loogu gacan qaad, haddii aan sii iftiimiy oo aan kala qaad qaad qaado sida ay wax u dhaceen ayaa sidan ah:

SomaliSwiss waxay ogaatay in shaqaalihii hore uga shaqaynayay xafiiska kuwoodii mushaarka qaadanayay loo sheegay inay shaqada ka tagaan ama qofkii ku qanacsan uu ku shaqeeyo, si iskaa wax u qabso ah.

Tusaale ahaan shaqaalaha, wakiilkii Xafiiska Ra’isal Wasaaraha ee qaabilsanaa Dowladaha IGAD la isku yiraahdo, iyo arimaha bulshada, waxaa laga saaray liiska shaqaalaha mushaarka qaata ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waana waana laga ruqseeyay Xafiiska.

Arrinta ugu yaabka badan ee SomaliSwiss aragtay ayay ka mid ahayd in Xassan Cawil Faarax oo ka mid ah shaqaalaha cusub lagu magacaabay Personal Assistance, isla markaasna ah, u qaybsanaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee UNPOS (Liaison office of the Prime Minister to UNPOS), isla markaasna ah u qaybsanaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee xiriirka Caalamiga ah (Focal Point to the External Relations ), isla markaasna ah agaasime ku xigeenka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha (Deputy Chief of Staff).

Sida caadiga ahayd, shaqadaas waxaa hayay dad ka badan 4 qofood, hase yeeshee arrinta waxaa yaab lahayd ninka 4-ta shaqo lay sugu daray inuu dalbaday in loogu kordhiyo Agaasimaha Golaha Wasiiradda (Chief of Cabinet).

Dhinaca kale SomaliSwiss waxay ogaatay in ra’isal wasaare Gaas, uu shaqooyin dawladeed u wada dhiibay, inta badan koox hore wasiiro u ahaan jiray, kuwaas oo geystay xatooyo badan iyo ku xad gudub hanti qaran, taas oo keentay in dib u magacaabistooda dambe ay dood ka keeneen in badan oo ka mid ah Soomaalida taqaannay.

Dadka dib loo howl geliyay waxaa ka mid ah, C/risaaq Jurile, Prof. Ibbi iyo kuwa kale oo dhammaantood lagu xanto inay yihiin dad ku xeel dheer, dulaalnimada iyo lacag ka samaynta hantida qaranka.

Kooxdaas in badan oo ka mid ah, ra’isal wasaraha ayay ku wehliyeen safardii uu ku tegay Mareykanka, Yurub iyo Africa wayna la socdeen, iyagoo ku shaqeynaya wakiilo dawladda howl u haya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: