Kooxda Al-Shabaab oo dhaawac-yadoodii Kismaayo u daad gureeyay gobolada Bay & Bakool.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo kala duwan oo ku dhow Horjoogayaasha Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ilaa 60 ka mid ah bukaanada kooxda Al-Shabaab oo qaba dhaawacyo kala gedisan xalay iyo saakay laga qaaday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawacyada Al-Shabaab ee ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degaannada, Dhoobley, Taabto iyo Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ee dhex maray ciidamada dowladda kuwa Kenya iyo kuwa ururka raaskaambooni oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, lana dhigay Isbitaalka Kismaayo ayey ka qaateen kadib markii magaalada Afmadow ay gacantooda ka baxday.

Sidoo kale, waxaa dhaawacyada ka mid ah maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo ay waxyeelo ka soo gaartay duqaymo diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaanno ku yaalla galbeedka gobolka Jubbada Hoose, sida Cag-libaax iyo Hoosingow.

Dhaawacyada waxaa markii hore loo qorsheeyay in la dhigo degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, balse hadda waxaa loo soo wareejiyay degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, waxaana la dhigay isbitalka guud ee magaaladaas.

Dagaallo xooggan ayaa ka soo cusboonaaday gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo ciidamada dowladda KMG ay ku doonayan in maleeshiyada Al-Shabaab ay kala wareegaan guud ahaan deegaannada gobolkaas.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: