Dowladda KMG oo abaal marin u ballan qaadday qofkii soo sheega xog ku saabsan Al-Shabaab.

HOOS KA DHEGAYSO

undefinedHalkaan ka akhri

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa abaal marin lacageed u ballan qaaday cidii soo sheegta xog ama war ku saabsan shirqoollada ay shacbiga Soomaaliyeed u maleegayaan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo gelinkii dambe ee SHALAY booqday goobtii ay Ciidammada Dowladdu ku fashiliyeen weerar is qarxin ah oo ay soo maleegeen Maleeshiyada Kooxda aL-Shabaab ayaa Shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay abaal marin Lacageed siin doonto cidii soo sheegta xog kasta oo la xiriirta ama ku saabsan Al-shabaab, madaxdooda iyo waxa ay samayn doonaan ama damacsan yihiin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in Shacbiga Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan Ciidammada Amaanka si la iskaga kaashado in laga hortago shirqoollada ay Shacabka u soo maleegayaan dhagar qabayaasha ujeedkoodu yahay Leynta dadka Soomaaliyeed.

Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee la xiriira in la abaal marinayo shaqsigii Dowladda u soo sheega xog ku saabsan Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa imaanaya xili ay isa soo tarayaan shirqoollada ay fulinayaan Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: