Advertisements

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamada dowladda Kenya iyo Dagaalada Jubooyinka.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidamadda Dowladda Kenya oo xalay soo gaaray deegaanka Qooqaani, ayaa waxay caawa dhaqdhaqaaq xoogan ka wadaan wadada qabta degmada Afmadow, Ciidamadaan ayaa la sheegay iney ku hubeysan yihiin Gaadiidka gaashamna iyo madaafiicda Goobta.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Ciidamadaan ay ka kala yimaadeen Farisimada 1-Kanya 1sta Rifles Nanyuki, Guutada 78 ee tangiyada Isiolo, Guutada 65 ee Madaafiica goobta ee Embakasi, iyo Guutada 77 ee guutada madaafiica ee Mariakani, sidoo kale Ciidamada sida Boliiska iyo GSU ayaa la sheegay in laba urur ka tirsan iyaguna heegan la geliyay, sidoo kale saldhigayada Ciidamada Badda ee Kenya ay ku leedahay miongwe iyo Manda ayaa tiro Mariikiib dagaal iyo doonyo dheeraya la geeyay, sidoo kale Ciidamada cirka ayaa la sheegay in raxan diyaaradaha dagaalka iyo kuwa qumaatiga u kaca la isgu geeyay degmada Wajiir.

Ciidamadaan ayaa caawa wata 50 gadiidka gaashaman ee dagaalada iyo kuwa madaafiicda goobta, ayaa waxay caawa fiidkii ka shiraacdeen deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow, isla markaana waxay afka saareen wadada qabata degmada Afmadow.

Ciidamadaan ayaa waxaa socdaalkoodu ku wehlinaaya ciidamo isku dhaf ah, oo ka kala tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni, isla-markaana waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay gaaraan degmada Afmadow.

Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Raaskambooni, ayaa waxaa la-tilmaamay inay horkacayaan saraakiil ka kala tirsan Dowladda iyo Raaskambooni, kuwaa oo ku goodiyay in Al Shabaab ay kala wareegi doonaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in wadooyinka gala degmada ay roobab xoogan ka da’een iyadoo wadadaasi la sheegay in Maleehsiyaadka Shababka ay kala bixi waayeen 3 gaari oo mid saaran yahay qoriga Zuu-ga iyo labada Land cruseir ah oo qorayaha Dhashiikaga ay ku rabikan yihiin, waxaana la filayaa ineysan wax iska caabin ah kala kulmin iyadoo difaacii Maleeshiyada la sheegay iney magaalada kala baxeen inkastoo tiro oo Maleehsiyaad ah laga soo sheegay wadada qabta magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: