Raila Odinga:Xoriyada shacabka Soomaaliyeed waxba u geysan mayaan ciidamadeenna la dagaalamaya Al-shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal wasaraha Kenya Railla Odinga ayaa shaaca ka qaaday in sababaha ay u soo galeen gudaha dalka soomaaliya ay qeyb  ka tahay hanjabaad ka timid shabaab iyo afduubyada ay ka wadaan gudaha dalka Kenya.

Ra’isal wasaraha ayaa sheegay in shabaab ay dhibaatooyin ku hayaan guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Kenya oo ay saddex mar ka sameeyeen Qafaal dad ajaaniib ah.

Odinga ayaa ku eedeyey beesha caalamka inay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Shabaab ku hayaan gobolka iyo amaanka dalka Kenya.

“Xoriyada shacabka Soomaaliyeed waxba u geysan mayaan ciidamadeenna la dagaalamaya Al-shabaab” ayuu yirri ra’isal wasaaraha Dalka Kenya.

Odinga ayaa tusaale waxa uu  u soo qaatay afduub shabaab ay ka geysteen gudaha dalka kenya gaar ahaan xerada dhadhaab.

Ra’isal wasaaraha Kenya ayaa markale ugu baaqay dalalka caalamka inay gacan ka geystaan la dagaalanka kooxda Shabaab.

Dhinaca kale wararka laga helayo Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ku soo waramaya in halkaasi ay soo gaareen ciidamo fara badan oo Kenyan ah kuwaas oo ka soo gudbay sohdinta ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadani ayaa waxa ay wataan diyaarado iyo gadiidka qufulan ee Dagaalka, waxaana la sheegay in durbadiiba ay bilaween dhaqdhaqyo ciidan.

Cabdi Maxamuud carab oo ka mid ah saraakiisha dowlada ee ku sugan Degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadaasi ay ka qeyb qaadanayaa la dagaalanka kooxda Shabaab.

Sarkaalkani ayaa sidoo kale waxa uu qiray in ciidamadani ay wataan diyaaradaha Heli-coptarada ah isla markaana qorshahoodu uu yahay inay la dagaalaaman Al-shabaab.

Dhawaan Deegaanada Gobolada jubooyinka ayaa waxaa gudaha u soo galay ciidamo Kenyan ah kuwaas oo la sheegay inay baadi goob u galayaan shaqaale ajaaniib ah oo laga soo afduubtay gudaha dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Somaliya iyo Kenya ay ka dhexeyso wada shaqeyn Meleteri oo ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab oo labda dowladoodba ka dhex wadda dhibaato baahsan.
SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: