Israel oo ka qeylisay qaxooti Soomaaliyeed.

undefinedHalkaan ka akhri

ilaa iyo Afar qof oo Soomaali ah ayay dowladda Israel u diiday inay siiso megengelyo ay waydiisteen, ka dib markii ay dalkaas iska dhiibeen iyagoo ka gudbay xuduudka Masar iyo Israel.

Afartaan qof ee loo diiday megengelyada oo ay ka horeeyeen sodomeeyo kale oo Soomaali ah ayay sheegtay waaxda qaxootiga u qaabilsan Israel inaysan buuxin shuruudihii ay ku heli lahaayeen megengelyada, hase yeeshee hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ayaa ku dooday in diidmada dakaas qiil looga dhigay wax aan jirin iyo xog dhacday oo hore oo aan hadda shaqeynayn oo ku saabsan Soomaaliya, taas oo ay sheegen in haddii aan dadkaas lasiin megengelyo ay ka hor imanayso sharuucda qaramada midoobay.

Dalka Israel hadda waxaa ku nool ugu yaraan 20 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo hore loogu ogolaaday megengelyo, taas oo u muuqatay in dowladda Israel tijaabinaysay macquul nimada iyo inay suurta gal tahay wada noolaanshaha Soomaalida iyo Israel, madaama aysan jirin xiriir dhaqan, diimeed ama is faham oo weligeed dhex maray Soomaalida iyo Israel oo labadaba la sheego inay yihiin dad ku adag dhaqanka oo aysan sahlanayn inay ku dhex noolaadaan ama dhex galaan umado kale.

Dowladda Israel ayaa u muuqata inaysan ogolaan karin, megengelyo doon dambe oo Soomaali ah, taas oo loo macneeeyay inaysan jirin wax ay kala faa’iidayaan Soomaalida iyo Israel, hase yeeshee waxaa walaac laga muujiyay afartaan qof ee hadda ku sugan dalkaas loona diiday megengelyada waxa uu ku dambayn doono xaalkooda, inkastoo ay racfaan u gudbiyeen maxkamadda sare ee Israel oo ugu dambaynta go’aamin doonta in loo ogolaado megengelyo ama loo diido midda saxda ah.

SomaliSwiss news Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: