Holland iyo Haweenka Indha shareeran oo xiisadi ka dhex bilaabatay.

undefinedHalkaan ka akhri

Haweenka Muslimiinta indha shareeran ee ku nool dalka Holland ayaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyay mamnuucid lala damacsan yahay Indha-Shareerka, kaasi oo lagu wado in gabi ahaanba isticmaalkiisa laga joojiyo dalka Holland.

Haween fara badan ayaa isugu soo baxay xarumaha Dowladda halkaasi oo ay ka dhigeen dibad bax xoogan oo ay kaga soo horjeedaan Amarka ka soo yeeray Dowlada ee ku aadan in la mamnuucay xijaabka.

Dadkaan ayaa ku qeylinayay erayo ay ku muujinayeen in aan loo baahneyn in Dowladdu ay fara gashato dhaqanka iyo diimaha dadka Muslimiinta ah, iyagoo xusay in Amarkaan uu yahay mid lagu tagri falayo xuquuqda uu qofka bini aadanka u leeyahay isticmaalka waxyabaha muujinaya dhaqankiisa iyo diintiisa.

Inkastoo Amarka lagu mamnuucaayo “Indha-Shareerka uu yahay mid aan weli Baarlamaanku Ansixin, ayaa hadana la ogeyn sida ay talaabadaan u qaadan karaan aqalka Baarlamaanka oo laga dhowrayo in uu ansixiyo ama uu diido”.

“Dalka England muslimiinta ku nool qofkii doonaya wuu xirtaa, qaarkood waxa ay ka shaqeeyaan goobaha caafimaadka iyagoo xijaab sita, waa maxay sababta anaga naga mam nuuceysa” Sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah haweenka iyagu ka qeyb qaadanaayay dibad baxa, balse asal ahaan ka soo jeeda Dalka Holland.

“Bulshada dhex-deeda wax dhibaato ah kuma qabno, dalkana wax dhibaato ah kuma heyno, ma jiri karto sabab noogala mamnuco dhaqankeena” sidaasi waxaa tiri haweeney Muslim ah asal ahaanna ka soo jeeda Carab oo ka qeyb galeysay dibad baxa.

Ka hor inta aan mamnuucidaan lagu dhawaaqin ayey Haweenka isticmaala indha shareerka waxa ay dhibaatooyin kala kulmi jireen Police-ka oo mararka qaar ganaax la dhici jirey dadka iyagu isticmaala indha sharerka ama ku amri jirey in ay isa soo liis gareeyaan ka dibna ee bishii dhiibaan lacago laga qaado dadka isticmaala xijaabka.

Talaabadaan oo u muuqata mid lagu damac-san yahay in lagaga deydo Dowladaha France iyo Beljum oo iyagu horey u mamnuucay xijaabka, ayaan la ogeyn sida ey uga dhaqan galeyso dalka Holland oo lagu tiriyo inta badan in uu ka gaabsado fara gelinta dhinaca diimaha.

Halkaan ka akhri warar kale oo ku saabsan Faransiiska iyo Belgium oo hore u mamnuucay indha shareerka iyo qaadashadiisa.

SomaliSwiss Netherland
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: