Dowladda Kenya oo 100Km ku soo durugtay xuduudaha Badda iyo Berriga Soomaaliya..

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidamo fara-badan oo u dhashay dalka Kenya, ayaa xalay ilaa saaka soo geleyay gudaha xuduudaha dalka Soomaaliya la wadaago Kenya, iyagoo weliba saaka subaxninmadii soo gaaray Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadaan oo aad u fara-badan ayaa waxaa la-socda ciidamo kale oo Soomaali ah, kuwaa oo ay ka soo wada baxeen dhinaca xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, waxayna sheegeen inay Shabaab kula dagaalamayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Aagga Jubbooyinka  ayaa  xalay u ogolaaday ciidamadaan Kenyaatiga ah inay soo dhaafaan xuduudka oo ay galaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna hore ugu soo dareen cidian kale oo Soomaali ah, taas oo u muuqatay inay wada shaqeynayaan oo qorshe ka dehxeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay soo dhaweyneyso cid kasta oo ka qeyb qaadaneyso, dagaalada ay kula jirto Xoogagga Al-Shabaab, oo dhibaatooyin baahsan ka wada dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya kama hadlin ciidamadeeda soo gaaray degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana saacadaha soo socda la-fillaayaa inay ka hadli doonaan.

Markii laga soo tago, in ciidamda dowladda Kenya ay 100km gudaha u soo galeen xuduudaha ay la wadaagaan dalka Soomaaliya, sabab kasta ha lagu macneeyee, hadana markii dhinacyo kale laga fiiriyo waxay soo durgeen 100km oo dhinaca badda ah.
SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: