Ahlusunna Waljameeca oo xiriirka u jaraysa xukuumadda KMG ah ee Ra’isal wasaare Gaas.

undefinedHalkaan ka akhri

Urur Diimeedka Ahlu Sunna oo gacan saar ciidan lawadaagayay dowladda KMG ah isla markaana si toos ah uga barbar dagaallama cidiamada dowladda KMG ah ayaa maanta sheegy inay xiriirka u jarayaan xukuumadda KMG ah ee uu madaxda ka yahay Ra’isal wasaare Gaas, iyagoo ku eedeeyay in ay taasi dowladda KMG ah sabab u tahay.

C/Laahi Axmed Samatar,Afhayeenka Culimaa’udiinka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe  oo goor dhaw shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu sheegay in Ahlu Sunna ay si toos ah xiriirka ugu jari doonto Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe C/Laahi Axmed Samatar, ayaa dowladda ku eedeyay in ay ka gaabisay xiriirkii u dhaxeeyay labada dhinac, isla-markaana wuxuu sheegay in ay in muddo ah isku dayeen inay ilaaliyaan xiriirkii labada dhinac hase yeeshee ay ula muuqato in xukummadda Soomaaliya aysan sidaasi danay nayn, sidaasi darteed ay iyaguna si toos ah ugu jari doonaan xiriirka.

Samatar wuxuu xukuumadda dusha u saaray eed kasta oo ka timaada xiriirka xun ee labada dhinac iyo kala tagga oo uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan ilaalin jirin marnaba xiriirkii wanaagsanaa ee labada dhinac inuu sii ahaado mid wanaagsan.

Afhayeen C/Laahi Axmed Samatar wuxuu cadeeyay in Ahlusunna ay aqoonsan yihiin Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, hase yeeshee ay xiriirka u jarayaan xukuumadda haatan jirta ee ra’isalwasaare Gaas.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: