Advertisements

R/Wasaare C/Weli Gaas iyo wasiirkiisa G/Dhigga oo looga shakiyay inay ka dambeeyaan Habacsanaanta Hay’adaha nabad gelyada Soomaaliya.

HOOS KA AQRI XOG HOOSE

undefinedHalkaan ka akhri

In ka yar saddex toddobaad gudahood ayaa qaraxii labaad oo ay soo maleegto kooxda Al-Shabaab wuxuu shalay ka dhacay meel u dhow isbitaalkii weynaa ee Digfeer, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay uu dhaawac halis ah ka soo gaaray mid ka mid ah mudanayaasha barlamaanka KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Caananuug oo ka mid ah xildhibaanada barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa lugtiisa ku waayey qaraxa oo lala beegsaday gaari uu watay oo xilligaasi marayey wadada isku xirta isgoyska Banaadir iyo isbitaalka weyn ee Digfeer.

Dhaawaca xildhibaanka oo haatan lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Muqdisho ayay xaaladiisu culus tahay wuxuuna u baahan yahay in dibadda loo qaado.

Hase yeeshee waxaa durba Siyaasiyiinta Soomaalida iyo  dadweynaha Muqdisho ay bilaabeen inay su’aalo iska weydiiyaan sababta arrintaasi u dhacayso, inay tahay taag darri hay’adaha amaanka Muqdisho ama arrin kale oo lagu wiiqayo inay horumar samayso nabad gelyada Muqdisho.

Maxaa sabab u ah Jilicsanaanta hay’adaha amaanka ?

Qaraxan ka dhacay Muqdisho wuxuu noqonayaa kii labaad ee bishan October gudaheeda ka dhaca Muqdisho, iyadoo la wada og yahay falkii xannuunka badnaa ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee 4-tii bishan lagu beegsaday dad ka badan 100 ruux oo u badnaa arday Soomaaliyeed laguna dhaawacay ku dhowaad 200 kale.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in dayaca ka muuqda arrinta amaanka uu sabab u yahay ra’isal wasaaraha Soomaaliya, isagoo ogsoon  in Al-Shabaab aysan ka daalin qaraxyo la mid ah kii 4-tii October kuwaasoo dhiig badan ku daato, hadana arrintaasi tahay mid qorshe siyaasadeed lagu wado.

1- Wasaaradaha arimaha gudaha, gaashaandhiga, booliska iyo nabadsugida kama dhexeeyaan wax xiriir ah oo joogto ah, mana jiro qorshe ay ku wada shaqeynayaan oo illaa hadda u degan sugidda nabadgelyada Muqdisho.

2- Wasaaradda Gaashaan dhigga DKMG illaa hadda ma cadeyn karto tirada ciidanka guud ee ay leedahay ee ka qaata mushaharka. Waxaa taa dheer in ciidamada dibadaha lagu soo tababaro qaarkood aysan ku nagaanin shaqada oo ay isaga tagaan.

3- Maleeshiyaadka qabiilka, kuwa hogaamiye kooxeedyada iyo ciidamada dawlada ma kala soocna. Waxaa intaas dheer in hay’adaha badankood, ganacsatada iyo xildhibaanadu ay leeyihiin hub iyo ciidan madax bannaan oo aan la ogeyn tiradooda iyo waxay qabtaan.

4- Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, labaduba waxay hore uga caga jiideen, ninka Wasiirka Gaashaan dhigga ku magacaaban oo ay wada aminsanaayeen, in magacaabistiisu ay dayac ku keeni karayso nabad gelyada, shaqada cidianka, iyo wada shaqaynta hay’adaha nabad gelyada, waxaana sii dheer, inuu saaxiib dhow layahay Ra’isalwasaaraha, isla markaasna aysan ku kalsoonayn ciidamada oo dhan nuuc kastaba.

5- Sheikh Shariif oo dhaliilsan ninkaas loo magacaabay Gaashaan dhigga wuxuu taliyaha nabad sugidda u magacowday nin jeebkiisa ah oo isaguna aan wax aqoon ah u lahayn arrimaha ciidamada, taas oo sii kala fogaysay haddiiba ay jirtay wada shaqeyn yari.

6- Inta badan dadka horboodaya siyaasadda Soomaaliya, waxay ka midaysan yihiin in arrintaasi dayaca nabad gelyada ah ay tahay qorshe ay wada degsadeen, Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Ambasador Mahiga iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, taas oo lagu sifeeyay in laga leeyahay qorshe mustaqbalka soo socda oo loo gogol xaarayo.

Wadada Wadnaha ee Muqdisho

7- Ciidanka booliska ma leh fariisimo rasmi ah oo ay ka maamulaan dhaq dhaqaaqyada magaalada dhexdeeda ah, tusaale saldhigyada booliska ma shaqeeyaan (marka laga reebo dhowr saldhig oo kaliya).

8- Inkastoo ay jiraan ciidan ku magacaaban nabadsugid [NSS], hadana malahan awood ay kaligood ku shaqeyn karaan, mana jiro is aaminaad ka dhexeysa iyaga iyo wasaaradda Gaashaan dhigga oo ay aaminsan yihiin inay xiriir dhow la leedahay Al-Shabaab, sidaasi darteed waxaa meesha ka baxay wardoonkii hoose oo si dharcad ah u shaqeeya kuwaas oo ogaan lahaa kana hortegi lahaa waxyaabaha la soo maleegayo ka hor intaan la fulin.

9- Gudoomiyaasha degmooyinka ee la rabay inay isku xiraan hay’adaha amniga, degmada, iyo gobolka oo kaalintoodii gabay kuna mshquulay sidii ay lafahooda wax uga heli lahaayeen raashiinka deeqaha ah ee loo qeybiyo dadka barakacayaasha (gudoomiyaasha qaar ayaaba wax ka booba raashiinka dadka masaakiinta loo waday).

Waxaan marnaba laga tegi karin in ciidamada nidaam la’aanta ee DKMG aysan heysan qalabka carsiga ee booliska sida isgaarsiinta, qalabka baarista iyo gaadiidka taasoo sidoo kale taag darida heysata hay’adaha amaanka sii kordhineysa.

Dagaalkii Amisom iyo Dawladu wadeen oo amaanka dartiis loo hakiyey

Qaraxyadan ka dhacay magaalada waxay ku soo beegmeen xilli awoodii Al-Shabaab ay wiiqantay, isla markaana ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ay la wareegeen inta badan caasimada. Waxayna hadda DKMG gacanta ku heysaa 15 degmo oo ka mid ah Muqdisho (Degmada Dayniile weli waxaa maamula Al-Shabaab).  Waxaana dawladu hakisay in hawlgalku sii socdo.

Hase yeeshee ilo wareedyo ka tirsan  xarunta madaxtooyada iyo xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xaqiijiyey in sababaha loo hakiyey hawlgalka amaanka ay tahay baaxada dhuleed ee dawlada gacanteeda galay iyo iyadoo khatarta amni ay sii badatay, ayna jirto taag daridaas hay’adaha amaanka.

Maxaa Qorshe ah oo ka dhex Socda Madaxtooyada, Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Waxaa Todobaadkaan soo baxay warar si weyn loo hadalhayo oo ka imaanaya xafiisyada labada Shariif kuwaasi oo sheegaya in madaxweynaha uu si weyn u dhaliilay wasiirada qaabilsan amaanka,  gaar ahaan wasiirrada gaashaan dhigga, Arimaha gudaha iyo Ra’isal wasaaraha qudhiisa oo looga shakiyay arrintii qaramada midoobay ee fadhiga looga kacay madaxweynaha Iiraan, Waxayna taasikeentay in raisul wasaare C/weli Gaas loo jeediyey inuu sameeyo isku shaandhayn, isla markaana uu bedelo wasiirka Gaashaan dhigga oo ay labada Shariif ka midaysan yihiin in uusan soo kordhin karin wax aan hoos u dhac ahayn sababo badan dartood.

Ma cadda cida lagu bedeli doono wasiiradaasi balse waxaa xaqiiq ah in waqtigan loo baahan yahay hay’ado amni oo adag oo karti u leh sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen amniga Muqdisho, taasoo ah waxa ay maanta isweydiinayaan dadweynaha Muqdisho oo labaatan sano ka dib weli rajo ka qaba inay maalin uun arkaan iyagoo guryahooda ku nool, suuqyadoodana ka ganacsanaya iyagoon wax cabsi ah qabin!!.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: