Advertisements

Dowladda Kenya oo bilowday in ay Batrool ka baarato Badda Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Dalka Kenya ee Soomaaliya dariska la ah ayaa waday damaaci soo jireen ah oo ku aadan Badda Soomaaliya, damaacigaas oo hadda xilligan aan joogno 40-jirsaday. Qoraalkan waxaan kusoo bandhigi doonaa Kenya oo Cabiratay qayb kamid ah badda Soomaaliya, ugana howl gashay sidii dhul ayadu leedahay. Si kale hadaan u dhigno Kenya waxay kusoo xadgudubtay Qaranimmada Wadanka Soomaaliya, kadib markii ay shidaal baarid kasamaysay dhulbaddeed Soomaaliyeed ee aagga Raaskanbooni. Damaaciga Kenya ayaan wada arki doonaa, anagoo soo bandhigi doona qoraallo taariikhi ah iyo doodo hadda ka hor dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya. Ugu horayn aan wada akhrino Kenya oo bishii lasoo dhaafay ee September 2011, Dhul-badeedka Soomaaliya Shidaal baaris kabilowday.

Waxaa 21-kii September 2011 warbaahinta loo sheegay in shirkadda TOTAL (ee laga leeyahay dalka Faransiiska) ay iibsaneyso saamiga boqolkiiba 40% shidaal ka qodista 5 aag (Blocks) oo kala ah Block L5, L7, L11a, L11b iyo L12. Heshiiskaas waxaa shirkadda Total la gashay shirkado hore saamiyo aaggaas ugu lahaa iyo dawladda Kenya, waxaana heshiiskaas la kala saxiixday 19-kii September 2011, maalin kaddibna 20-kii September 2011 ayaa loo gudbiyey Wasaaradda Tamarka ee Kenya si heshiiskaas loo ansixiyo, taas oo in la ansixiyey saxaafadda loo sheegay 6-dii October 2011.

Shirkad kamid ah shirkadaha saamiga ku leh aaggaas waxay sheegtay in sannadkan 2011 ay sahaminta shidaalka aaggaas u qoondaysay US$6 million oo wajiga hore ah. Waxaana warbaahinta loo sheegay in aaggaas laga sameeyey sahaminta nooca loo yaqaan 2D Seismic iyo in dhawaan ay soo gabagaboobeyso in qaar kamid ah aaggaas lagu sameeyo 3D Seismic – taas oo ah farsamo sahamin oo lagu ogaado in badda hoosteeda uu ku jiro shidaal. Waxaana markaas qorshaysan in ceelka koowaad aaggaas laga qodo 2012.

HALKAAN KA AQRI WARBIXINTA OO DHAN IYO SAWIRRO MUUJINAYA WAX YAABAHA MAQAALKAANI SHARAXAYO.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: