Advertisements

Boob iyo dhac kii ugu weynaa oo loo geystay Soomaalida Koofur Afrika ka shaqeysta.

undefinedHalkaan ka akhri

Iyadoo maalmahan la hadal hayay war ka soo yeeray taliyaha ciidanka Booliska dalka K/Afrika Bheki Cele, kaasoo uu ku sheegay in ganacsigii iyo hantidii ay lahaayeen dadka u dhashay dalkaas ay la wareegeen dadka soo galootiga ah gaar ahaan Soomaalida islamarkaasina dadka wadaniga ahaa ganacsigooda uu hoos u dhac ku yimid ayaa waxaa durba bilaabatay boob baahsan oo loo geysanayo hantida Soomaalida.

Waxaa mar qur ah si aabaabulan isku soo baxay dadka Koonfur Afrikaan-ka ah ee ku nool tuulooyinka hoos yimaada magaala madaxda dalka ee Pretoria kuwaasoo markii hore u muuqday in ay mudaaharaadyaan ka dibna ku soo xoomay dukaamada Soomaalia ay ku leeyihiin agagaarkaasi.

Goobta uu qalalaasaha ka kacay ayaa aheyd meel caan ku aheyd arinta boobka ah waxaana lagu xasuustaa in May 2008-kii xiligii boobka in ay aheyd meeshii ay ka bilaabatay arintan.

Ilaa in kabadan 50tan dukaan aya la sheegay in la boobay ku dhawaad 35-40 kalana waa la soo raray oo goob magaalada ah ayaa la isugu keenay oo aan tagnay aniga iyo Gudoomiyaha jaalyada Somalida ee k/Afkika( SASA ) Raabi iyo wariya kale waxaan indhaheena ku soo aragnay alaabtii la soo raray ee boobka laga soo badbaadiyey.

Waxaan isku dayay in aan wax badan ka ogaado sidii ay wax u dhaceen waxaaan la kulmay dad aad u badan oo Soomaali ah oo goobta joogay waxayna ii sheegeen in ay arintan ay aheyd mid la dhihi karo waa laga soo shaqeeyay maadaama uu todobda maalin ka hor uu taliyaha ciidanka si cad farta ugu goday Somalida iyo Ganacsigeeda.

Ka sokow qasaarahii meesha ka dhacay waxaa ay ii sheegeen goob jooga yaashii in Wiil ka mid ha Ganacsatadii somalida Dhaawac halis ah uu soo gaaray halka 2 Wiil oo kale xabsiga loo taxaabay mid ka mid ah ragii la xiray ayaa lagu magacaabaa Daahir Rooti kaa oo dukaankiisiina la boobay.

Dhanka kale waxaa jira wal wal badan oo ku soo wajahay dhaman dadka somalida ah ee ku sugan guud ahaan dalkan maadama ay arintan tahay mid xasaasi ah.

SomaliSwiss Johansburg

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: