Kooxda Al-Shabaab ee dagmada Baardheere oo 100 Karbaash ku dhufatay Haweeney UMUL ahayd.

undefinedHalkaan ka akhri

Maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobolka Gedo ayaa xukun Karbaash, Jeydal ama Tacsiir, qofba siduu u yaqaan ku fulisay Haweeney ilmo yar hadda Umushay oo lagu eedeeyay  inay canugaas ku dhashay si sharci darro ah, waxaana lagu dhuftay 100 karbaash iyadoo xukunkana ay ridday maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Baardheere.

Faadumo C/llaahi Muxumad oo ah Haweeneyda xukunkaas lagu fuliyay ayuu Xaakinka Al-Shabaab ee maxkamaddaas uu sheegay inay siinaysatay, isla markaana ay hore u xakumeen ninkii ay wada siineysteen, iyadana ay la sugayeen inta ay ka umulayso.

“Maxkamaddu waxay xukun ku ridday Faadumo C/llaahi Muxumad oo ku dhacday fal sino ah, waxaana la waafajiyay xukunkeeda” ayuu yiri Yuusuf Abuu-Jacfar oo ah qaaliga maxkamaddaas.

Xukunkan oo ka dhacay barxad weyn oo ku taalla bartamaha degmada Baardheere ayay fuliyeen koox dagaal yahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo Haweeneyda ku qaaday WASHAMSI, kuna dhuftay 100 karbaash, iyadoo kor loo qaadayo tirada.

Ma jirto cid cadayn karta, run ama been midda uu yahay, dambiga haweenaydaas lagu eedeeyay, iyadoo horey Al-Shabaab u fuliyaan xukunno badan oo isugu jiray Dil, Karbaash iyo kuwa kale oo badankood ahaa kuwa ku salaysnaa arrimo siyaasadeed, sida labo gabdhood oo yar yar oo lagu eedeeyay inay Basaas ahaayeen oo lagu dilay Beledweyne.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSiwss@hotmail.com

%d bloggers like this: