Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in Badda Soomaaliya aan looga hadli doonin, dastuurka cusub iyo arimaha dib u heshiisiintaba.

undefinedHalkaan ka akhri

Shirka gollaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, ammaanka, badda iyo waxyaabo kale.

Afhayeenka Xukuumadda ahna taliyaha R/wasaaraha Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariiso) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka gollaha wasiiradda ugu horeyn looga hadlay safarkii R/wasaaraha ee ku tahay dalal dhowr oo caalamka ka mid ah iyo arrinta badda oo ay Baarlamaanka Soomaaliya Baabi’iyeen, waxa uu intaa raaciyay in sidoo kale looga hadlay xaaladdaha ammaan ee dalka.

Yariisoo aya tilmaamay in wasiiradda ay isku soo haddal qaadeen dhacdadaii foosha xaumeed ee 4tii bishan ka dhacaday magaalada Muqdisho, iyo arrimaha badda, iyadoo intaa kaddib uu Ra’iisul wasaaraha uu ka war bixiyay safarkii uu ku tagay Mareykanka Kanada iyo dalalka kale.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa tibaaxay in R/wasaaraha uu ammaray in si deg deg ah loogu sameeyay dhammaan wasaaraddii ay xaruhooda ku bur burreen dhacdii ka dhacay Hargaha iyo Saamaha si ay u sii anba qaadaan u adeega ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in si aad ah looga doodday arrinta ammaanka oo ay dowladda Soomaaliya muddooyinkaan ku howl lanneed iyadoo intaa kaddib ay wasiiradda ay isla garteen in la  saxo dhammaan waxayaabaha ammaanka ku shaqo leh, Eng Yariisoow ayaa sheegay in qorshaha xasillinta qaranka in caalamka looga dalday in ay taageeraan si loogu guulleysto arrimahaasi.

Ugu danbeeyntii ayuu sheegay in arrimaha badda waqti badan la galiyay laga doodday kaddibna ay gollaha wasiiradda isku raaceen in arrinta badda laga saaro dokumintiyada ay ka mid yihiin Roadmap-ka iyo Dastuurka si ay u noqoto arrin la isku raacsan yahay.cod.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: