Madaxda sare ee dowladda KMG oo khilaaf cususb u bilowday.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar lagu kalsoonyahay oo aynu ka helnay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in isku shaandheyn lagu sameynayo Xukuumadda KMG cusub ee Ra’isul wasaaraha ka yahay C/weli Maxamed Cali {Gaas}, taas oo hadda jirta muddo ka yar 4-bilood.

Sida warku sheegayo isku shaandheyntan oo loo maleynayo inay salfato xubno ka mid Golaha wasirada cusub oo ay xilkooda ku waayaan, ayaa la sheegay in sidoo kale la isku bedelayo qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda KMg oo wasiirada boosaska ay hadda hayaan loo kala bedelayo.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in isku shaandheyntan iyo wax ka bedellidda Xukuumadda cusub oo ka timid dhinaca Madaxweynaha dowladda KMG ay ku kala aragti duwanyihiin xubnaha sarsare ee dowladda KMG sida Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay qabaan fikir ah in wasiiro dhowr ah xilalka laga qaado, laguna bedelo kuwo cusub, halka uu arrinkaasi uu ka soo horjeedo Ra’isul wasaare Gaas oo qaba wasiirada xilalka loo kala bedelo, balse aan xilligan loo baahneyn in xubno cusub dibadda laga keeno.

Warkan oo an rasmi ahaan loo xaqiijin waxaa kale oo uu sheegayaa in wasaaradood oo kala ah Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo arrimaha dibadda ay yihiin wasaaradaha la doonayo in isku shaandheynta lagu sameeyo amaba ay xilalkooda weyn doonaan wasiirada xilalka ka haya wasaaradahaasi, halka warar kale ay sheegayaan in wasaaradahan sidooda loo deynayo amaba ay qaar ka mid ah xilalkooda ku soo noqdaan.

Horay ayey arrintan oo kale u soo baxday in wax ka bedel iyo isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha wasiirada cusub, hase ahaatee ma dhicin, lamana oga in warka uu la mid noqon doono kii ka horeeyay oo kale inuu dhaboobi doono, wuxuuna haddii ay dhacdo arrinkan uu khilaaf soo kala dhexgalayaa madaxda ugu sareysa dowladda KMG oo hadda lagu soo heshiisiiyey dalka Yugandha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: