Al-Shabaab oo gurmad uga yimid Jubooyinka ku aruurinaysa duleedka Dayniile.

undefinedHalkaan ka akhri

Gurmad balaaran oo Maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah ee Shabaabka taabacsan ayaa waxay caawa fiidkii soo gaareen duleedka magaaladda Muqdisho, iyadoo Maleehsiyaadkani ay ka yimaadeen kuwii ka baxay Muqdisho, Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka oo ku hubeysan noocayada gaadiidka dagaalka, ayaa waxay caawa fiidkii soo mareen deegaanada Lafoole, Carbiska, Ceelasha Biyaha, Calaamadaha iyo 13km, isla-markaana waxaa la sheegay in duleedka degmada Dayniile ay kaga soo tallaabeen duleedka caasimadda.

Wararka ayaa tilmaamaya in gurmadkaan Maleeshiyo ay u badan yihiin kuwii ka dagaal degmoyiinka Kaaraan & Heliwaa isla markaasna ka soo talaabay wadada u dhaxeysa Balcad & Afgooye, waxaana la sheegay in dib loogu soo abaabulay degmada Balcad, iyagoo isku soo diyaariyay iney dagaalo kama dambeys ah la galaan  Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamaddu ay gurmadyadoodu ku wehlinayaan Horjoogayaal sare oo ka tirsan Kooxdani, kuwaa oo loogu yeeray inay ka soo dhex muuqdaan fagaaraha dagaalada, waxaana ka mid ah Cali Dheere, Daahir Gamcay, Mahad Karatey iyo kuwo kale. Waxaa jira dareen xoogan oo ay qabaan shacabka qaarkood, waxayna caawa shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha ay xaqiiqsadeen, in Kooxdani ay u soo tafa-xeedatay dagaalo ka dhan ah Dowladda iyo Amisom.

Baqdinta jirta kuma eke’e in’ay dagaalo ka dhacaan magaaladda Muqdisho, ee waxay shacabki ka walaacsan yihiin waxa ay ku soo idlaan doonto natiijada dagaalada caasimadda, bacdamaa magaaladda Muqdisho 21 sano looga bartay, dagaalo aan dhamaad laheyn.

Iskusoo wada-duuboo Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shalay sheegtay inaanan laga adkaan, iyadoo dhinaca kalana uu xalay Horjooge Xasan Daahir Aweys uu sheegay, inaanan weli lagu kala bixin dagaalada magaaladda Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: