Shirkadda Jubba oo diyaarad casri ah howl galisay, kadib dib u habeyn lagu sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Markii ugu horreysay ayay dalka ka howl galeysaa Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737/400, taas oo ka qeyb qaadan doonta duulimaadyada shirkadda Jubba Airways, kaddib markii garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde la hormariyay adeegyadiisa.

Diyaaraddaan ayaa maalmo ka hor lagu soo bandhigay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayadoo warbaahinta iyo dadweyne kale la tusiyay howlaha ay qabaneyso iyo waxyaabaha ay uga duwan tahay diyaaradaha kale ee shirkadda ama ka howl gala waddanka.

“Diyaaraddaani waa mid casri ah, waxayna leedahay adeegyo muhiim ah, ayadoo sameyneysa duulimaadyo caalami ah, oo waxay ku dagi kartaa garoomada adduunka” ayuu yiri C/llaahi Warsame oo ah Agaasimaha Shirkadda Jubba Airways.

Garoonka Diyaaraha ee Aden Cadde oo la casriyeeyay ammaankiisa iyo adeeggiisa, ayaa suura galiyay in ay shirkadaha duulimaadku howl galiyaan ama kireystaan diyaarado casri ah, maadaama ay diyaarado waaweyn oo ka howl gala dunida hore-u-martay ay ka soo dageen magaalada Muqdisho, sida Turkish Airways iyo Diyaarad kale oo laga lahaa dalka UAE.

Mar uu ka hadlay arrintaasi ayuu Agaasimaha Jubba sheegay in adeegyada ay shirkadda SKA ay ku soo kordhisay garoonka sida baaritaanka dadka iyo alaabta garoonka laga dhoofinayo iyo in habeenkii duulimaadyo fulin karo garoonku ay wax badan fududeysay.

“Diyaaraddan Cusub waxay ka qaad weyn tahay diyaaradihii hore, ka xawaare badan tahay, isla markaana waxay awood u leedahay in ay ka degto garoonka kasta oo caalamka ka mid ah, ayadoo ka dhoofeysa garoomada waddanka, waayo waxay la mid tahay dayuuradaha caalamka ka howl gala” ayuu yiri Agaasimaha Jubba Airways.

C/llaahi Warsame ayaa sheegay in dhawaan shirkaddu ay bilaabi doonto duulimaadyo toos ah oo ay ku bixineyso Yurub sida England iyo Sweden, taas oo suura gal ka dhigi doonto in Garoonka Muqdisho diyaaradda ka duusha ay si toos ah uga degto London iyo Stockhom.

“Hadda waxaan Diyaaraddaan cusub ku bilownay duulimaadka Xajka ee sanadkaan, dadkuna waxay Tikit-ka ku heli karaan qaab online ah, ayagoo sidoo kale xafiisyadeenana ka heli kara dhammaan dalka oo dhan” ayuu sheegay Agaasimaha Shirkadda Jubba.

Garoonka Diyaaradaha Adden Cadde ee magaalada Muqdisho wuxuu sameeyay horumar sababay in ay ka degaan dayuurado ka yimid dalalka horay-u-maray, isala markaana ay ka duulaan, kaddib markii lagu sameyay tayeyn isla markaana lagu wareejiyay shirkadda SKA oo ku howlan in garoonku uu ka mid noqdo kuwo ugu caalamisan Bariga Afrika sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan shirkadda iyo dowladda FKMG.

Maamulka Shirkadda Jubba Airways ayaa sheegay in diyaarado kale oo casri ah ay ku soo biirin doonaan duulimaadyadooda oo ay hadda fuliyaan 9 diyaaradood.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa ka faa’iideysan doonaa adeegyadaan, gaar ahaan tallaabooyinka horumarka ah waxay farxad gelinayaan qurbajoogta Soomaaiyeed oo safar dheer oo aan toos ahayn ku soo bixiya in ay yimaadaan waddankooda, kuwaas oo hal duulimaad ku soo bixin doona magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: