Advertisements

Kooxda Al-Shabaab oo isaga carartay saldhigoodii waynaa ee xerada Maslax.

undefinedHalkaan ka akhri

Horjoogayaashii Ugu dambeeyay ayaa alaabadoodii ka uruursaday nawaaxiga xerada Maslax, kadib markii ay ugu soo dhowaadeen Ciidamada Dowlada KMG ah oo kaashanaaya kuwa Amisom, dhaqadhaaqaan dib u gurashada ah ayaa yimid kadib markii shalay ay dib u bilawdeen howlgaladii lagu sugaayay amaanka magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Horjoogihii qaaliga u ahaa Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka Horjooge Daahir Gacamey iyo Maleeshiyaadkiis isaga daacada u ahaa ayaa waxay galabta ay iskaga baxday Xeradii Maslax ee duleedka degmada Heliwaa, halkaasoo ay ku jireen boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka, kuwaa oo la-sheegay inay u jiheysteen dhinaca degmada Balcad ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

Kabixitaanka Kooxdani xeradii Xeradii Maslax, ayaa waxaa la sheegay in hub iyo gawaarida dagaalada ay kala baxeyn xeradaasi, isla-markaana waxaa la sheegay inay hubkaasi ula dhaqaaqeen dhinaca degmada Balcad.

Dadka ku dhaqan deegaanada ku dhow Xeradii Maslax, oo mar saakay iskaga barakacay oo galabta dib ugu soo laabtay, ayaa waxay goor dhow ay warbaahinta u xaqiijiyeen in Xarakada Al Shabaab ay iskaga baxday Xeradii Maslax.

Bulshada halkaasi ku dhaqan ayaa waxay kaloo sheegeen in Ciidamadda Dowladda Somaliya ay ku soo wajahan yihiin xeradaasi, laakiin waxay sheegeen inaysan iminka garaneen goobta ay Ciidamadda Dowladda soo marayaan.

Sababaha ay Xarakada Al Shabaab maanta uga baxday Xeradii Maslax, ayaa waxay la-xiriirtaa kadib markii maanta laga soo saaray deegaano hor leh, oo ka tirsan duleedka degmada Kaaraan iyo qeybaha kala duwan ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: