Qarixii loo geystay Ardayda Soomaaliyeed oo Al-Shabaab dhex dhigay khilaafkii ugu ballaarnaa.

undefinedHalkaan ka akhri

Sida ay muujinayaan xogo loo qaateen ah oo laga helay Horjoogayaasha sare ee Kooxda Al-Shabaab, waxaa jira khilaaf wayn oo hareeyay kooxda, kaasi oo u dhexeeya, inta badan horjoogayaasha kooxda oo u kala jabay dhowr qaybood.

waxaa la sheegay in khilaafkii ka dhaxeeyay uu gaaray meeshii ugu sareysay kadib markii qaraxii dhowaan lala beegsaday Arday natiijo imtixaanad looga qaaday ku sugayeen xaruntii wakaaladii Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdissho, taas oo xarun u ahayd wasaaradda Waxbarashada.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in kulan muran xoogan dhaliyay uu ka dhacay degmada Afgooye ayna ka soo geyb qaleen inta badan Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, waxaana ka mid ahaa Axmed Cabdi Godane, Xasan Daahir Aways, Mukhataar Roobow, Mahad Karatey, Cali Dheere, waxaana looga dooday qaabkii loo qorsheeyay qaraxii ay Kooxdani kula beegsatay Ardaydii iyo Waalidkii hor taagnaa Ex Wakaaladii Hargaha iyo saamaha oo hadda xarun ah 8 wasaaradood oo ay ka mid tahay Wasaarada Waxbarashada.

Horjooge Xasan Daahir Aways oo ku tilmaamay qaraxaasi mid aan shareecadda islaamku banaynaynin isla markaana ka soo horjeeda qawaaniinta Xarakada, halka Horjooge Axmed Cabdi Godani iyo kooxdiisuna ay aaminsanayeen in weerarkaasi ay caruurtu ku leā€™edeen ahaa mid loo baahna, isla markaasna carurutaasi loo waday dal Cilmaani ah oo aan ku dhaqmin shareecada Islaamka.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya, waxaa jira sidoo kale koox kale oo awood ku leh gudaha xarakada Alshabaab oo lagu magacaabo Takfiir oo iyagu aaminsan in dadka Soomaalidu ay yihiin dad aan diinta islaamka aaminsanayn isla markaana aaminsan in dhiigoodu uu yahay xallaal.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: