Degmada Dayniile oo laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Al-Shabaab uga baxayaan.

undefinedHalkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir iyo deegaanada loo barakacay ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo dhaqdhaqaaq ka bixitaan oo ay wadaan ciidamada Xarakada Al-shabaab ka dib markii ciidamada dowlada KMG Somalia iyo kuwa AMISOM ay saaka la wareegeen inta degmada Heliwaa ee magaaladan Muqdisho oo aheyd goobtii ugu weyneyd ee ay ku xooganaayeen ciidamada Al-shabaab.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ay bilaabeen iney gawaari ku qaataan wixii qalab iyo agab kale ah ee xaafadahaas ka yaala kuwaasoo ay u daabulayaan labo meelood oo kala ah degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe iyo deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, iyagoo ka ka cabsi qaba weerar ay deegaankaas ku soo qaadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Somalia.

Maanta gaadiidka dagaal oo ay Al-shabaab leedahay ayaa ka qaadaya barihii ay ka degenaayeen degmada dayniile qalab kala duwan iyo waxyaabo kale oo u yiilay waxayna u muuqdaan kuwo iskaga tegi raba dagmada ka dib markii uu culeys ka soo fuulay dhinaca ciidamada dowlada iyo KMG iyo AMISOM oo saaka qabsaday fariisinkooodii ugu weynaa ee degaanka Suuqa xoolaha” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa diday in la xuso sababo amaan awgood xili uu u waramayey boggan.

Dhinaca kale deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho sida Xaawo Cabdi, Tre-disho iyo Ceelasha biyaha ayaa si weyn looga dareemay dagalada ka socda degmada Heliwaa qeybo ka mid ah, iyadoo ciidamada Al-Shabaab ee goobahaas ku sugan ay dareemeen culeys iyo astaamo muujinaya in xaaladu ay sii adkaaneyso waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in qaar ka mid ah masuliyinta Al-shabaab oo gooahaas degenaa ay ka guureen, iyagoo u kala jiheystay magaalooyinka Marka iyo Baydhabo, waxaana deegaanadaas looga tegay ciidamo kooban iyo gaadiid dagaal oo dadka meelahaas ku nool ay sheegayaan iney damacsan yihiin iney iskaga dhaqaaqaan, waxaana jira warar sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay weerarkooda dhinaca gobolada ka bilaabi doonaan dhinaca gobolka Sh/hoose.

Ciidamada dowlada KMG Somalia AMISOM iyo kuwa xarakada Al-shabaab ayaa ku dagalamaya xaafada Suuqa xoolaha iyadoo warar laga helayo goobaha dagaalka ay sheegayaan in dagaalku uu ka socdo hareeraha xeradii Maslax oo aheyd fariisinkii ugu weynaa Al-shabaab ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada Al-shabaab la sheegay in goobtaas ay ku mintidayaan, iyadoo saraakiisha ciidamada dowlada ee hogaaminaya dagaalka ay la yaaban yihiin sababta ay Al-shabaab ugu mintideyso xerada Maslax oo halkii ugu dambeysay ee ay gacantooda ku jirta mar hadiii magalada inteeda kale ay noqotay meelo xoog loogala wareegay iyo qaar ay iskood uga baxeen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: