Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo mas’uuliyiin kale.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Ethiopia, Xildhibaan0, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku xigeenkiisa, ganacsato Soomaaliyeed iyo Diplomaasiyiin kale.

Prof C/weli Maxamed Cali oo ka hadlayey munaasabadda cash sharafta ayaa aad uga mahadceliyey Wasiirka Ganacisga Dowladda Ethiopia, Wasiiru Dowlayaasha Maaliyadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Dalxiiska, xildhibaan Gorfaa Gaarane, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku-xigeenkiisa iyo ganacsatada Soomaaliyeed, sida quruxda badan ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Addis Ababa iyo casho sharafta ay u sameeyeen.

Ra’isal Wasaare C/weli Gaas ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliya oo la kulma Wasiirada Soomaalida ee Ethiopia, Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Dowladda Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Kulankan casho sharafta ah ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federalka Ethiopia Abdirahman Gurey, Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Abdi Mohamud Omar, ganacsade Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii xafladda casha sharafta ayaa waxaa lagu sharfay in uu soo gabogabeeyo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya, waxaa uuna u ballan qaaday Dowladda Ethiopia iyo Dowladda Deegaanka Soomalida in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii geeska Afrika looga dhigi lahaa goob nabad ah, isla markaana ganacsiga iyo dhaqaalahaba loo wada horumarin lahaa.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: