Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo magaalada Addis Abeba kula kulmay dhigiisa dalka Ethiopia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Soomaalia Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan dheer la qaatay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi waxaa ayna ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga, abaaraha iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

Melez Zenawi iyo C/weli Maxamed Gaas ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed falkii dhowaan lagu xasuuqay dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, kuwaas oo ay u badnaayeen arday iyo waalidiintooda.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u mahadceliyey dhigiiisa Melez Zanawi, sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey dalka Ethiopia, gaar ahaan magaalo madaxda Addis Ababa.

Labada Ra’isal Wasaare oo waqti dheer isla qaatay ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Amniga, Abaaraha iyo sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dhaqangelinta Shirkii wadatashiga ee ay Soomaalidu ku wada saxiixdeen magaalada Muqdisho 6-dii September ee sanadkan, waxaana labada mas’uul ay sheegeen in horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta loo baahanyahay in horey loo sii wado.

Socdaalkan uu Ra’isal Wasaare Cabdiweli ku tagay dalka Ethiopia ayaa noqoneysa tii ugu horeysay, tan iyo intii uu la wareegey xilka Ra’isal Wasaarenimo ee Soomaaliya.

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo saxaafadda la hadlayey kadib kulankii uu laqaatay Meles Zenawi ayaa sheegay in kulankoodii uu ahaa mid guul iyo is-afgarad ku dhamaaday, isla markaana looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa amniga geeska Afrika iyo arrimaha abaaraha.

C/weli Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in falkii wuxuushnimada ahaa ee ay Al-Shabaab ku laayeen ardaydii Soomaaliyeed uusan niyad jab u keeni doonin dowladda Soomaaliya, isla markaana la sii xoojin doono dadaalada kooxaha Al-Shabaab looga sifeynayo dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: