Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay dalkeda u qaadayso dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay dalkeeda u qaadayso dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho ka dhacay iyo qadka taleefanka oo ay kuwada hadleen isaga iyo Madaxweyne Shariif.

Sida lagu soo warramay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Turkiga Rajab Dayib Ordugan ayaa qadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna uga tacsiyeeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab, isagoo si gaar ah tacsi ugu diray eheladii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Wakaaladda wararka dalka Turkiga ayaa sheegtay in Ra’iisal Wasaare Ordugan uu u ballanqaaday Madaxweyne Shariif in xukuumadiisu deeq caafimaad u fidineyso dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta Harkaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dhaawacyadaasi loo qaadayo dalka Turkiga dhowaana diyaaradii qaadi lahayd ay Muqdisho soo gaareyso.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Turkiga ayaa u sheegay Madaxweyne Shariif in dowladiisu mar kastaba u heelan tahay ayna barbar taagan tahay sidii ay u caawin lahayd shacabka Soomaaliyeed isla markaana uga qeyb qaadan lahayd samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee iyagu ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

Hase yeeshee Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa dhinaciisa ugu mahad celiyay ballanqaadka uga yimid Ra’iisal Wasaaraha dalka Turkiga, isagoona u sheegay in abaalka taariikhiga ah ee dadka iyo madaxda Turkiga aanay iloowi doonin shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Madaxweyne Shariif u sheegay in ballanqaadkaani uu muujinayo sida Dowladda Turkiga uga go’an tahay wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: