Dowladda Turkiga oo daqiiqado ka hor dalkeeda u qaadday Dhaawacyadii cuslaa ee ardaydii Al-Shabab ay xasuuqeen.

undefinedHalkaan ka akhri

Qaybti ugu Dhaawacyada cuslaa ardaydii Soomaliyeed ee Al-Shabaab 4-tii bishaan ku xasuuqeen, magaalada Muqdisho ayaa maantadaaweyn loogu qaaday dalka Turkiga si loola tacaalo,  badbaadinta noloshooda.

Xiriir xagga Telefioonka ahaa oo dhex maray, Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif iyo R/wasaaraha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordagan oo ku sugnaa Dalka Koonfur Afrika oo shir uga qayb galayay ayaa isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaado dadkaas.

Ra’isal waraase Ordogaan oo Madaxda Koofur afrika la hadlayay ayaa muujiyay, sida uu uga xunyahay  dhibatadii ka dhacaday Magaalada Muqdisho gaar ahaan qasaaraha uu geystay qaraxii ismidaaminta ahaa, wuxuuna madaxda Dowladda KMG Soomaaliya u sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dhaawacyada culus, gaar ahaan, kuwa sida daran u gubtay iuo kuwa aan dalka Soomaaliya wax looga qaban karin la soo saaro diyaarad qaas ah oo uu soo diray.

Dowlada Turkiga ayaa noqonaysaa dowladii ugu horeysay ee ka jawaabta codsiga ka soo yeeray Dowlada Soomaaliya ee ku wajahan in wax loo qabta dadka sida aadka ah u gubtay ee yaalay isbitaalada Magaalada Muqdisho

Diyaarad gaar ah ayaa hadda daqiiqado ka hor ka kacday garoonka magaalada Muqdisho, taas oo qaaday  dhaawacyo 50 ku dhowaad ah, Diyaaraddaasi oo hadda ka duushay Garoonka Diyaarada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: