Dowladda KMG oo lacag adag siinaysa qofkii soo sheega goob uu joogo saraakaal sare oo Al-Shabab.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda KMG ah ayaa qorsheynaysa, inay bartilmaameedsato, madaxda ugu sareysa xarakada Al-Shabaab, waxaana socda qorshe lagu diiwaan gelinayo Magacyada saxda ah ee 100-ka ugu muhiimsan.

Sida ay SomaliSwiss u sheegeen masuuliyiin ka tirsan xafiiska madaxtooyada Soomaaliya, waxaa madaxooda lacag laga dhigayaa, 100-ka sarkaal ee ugu sareeya xarakada, Al-shabaab, iyadoo mid kastaahi lagu qori doono lacag, dilkiisa iyo soo sheegista goob uu ku sugan yahay intaba.

Mas’uuliyiintaas waxay sheegeen in qofkii soo sheega meel ay dadkaas la doonayo ku sugan yihiin in lasii doono Lacag adag, halka qofkii dilana uu leeyahay lacag fara badan.

ilaa iyo hadda lama soo saarin liiska dadka la bartilmaameedsanayo iyo lacagta mid kasta lagu doonayo toona, waxaysa saraakiishaasi xuseen in dhowaan la shaacin doono, magacyada iyo lacagta la siinayo qofkii dila ama soo sheega goobta ay joogaan.

Tilaabadaan ayaa u muuqata, mid shaqaynaysa oo ay ahayd in mar hore ay ku dhaqaaqdo dowladda KMG ah, sababtoo ah, waxaa dhici doonta in askarta ka hoos shaqeysa saraakiishaas iyo ilaaladooda ay is aamini waayaan, isla markaana saraakiishaas sar sare ay dhibaato ku noqoto, inay isku aaminaan askarta waardiyaysa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: