C/Qaasim: Badda Soomaaliya mar hore ayaa loo sameeyay xuduud caalami ah ee arrintaas ha laga digtoonaado.

undefinedHalkaan ka akhri

C/qaasim Saalad Xasan, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  oo ku sugan dalka Masar ayaa ka hadlay wararka maalm,ahaan isa soo tarayay ee ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan jirin cid wax ka bedeli karta xadka badda Soomaaliya, ciddii sameysanaya ay si toos ah u galayso qiyaano Qaran.

C/qaasim oo ay wareysatay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay leedahay xuduud caadi ah iyo xuduud dhaqaale oo dunida oo dhan laga aqoonsan yahay, sidaasi darteedna aysan jirin sabab keeni karta xadayn cusub.

Badda Soomaaliya waxay ka kooban tahay 12-mayl oo xuduudda caadiga ah iyo 200 mayl oo xuduudda dhaqaalaha ah, waxaana sidaas dajisay xukuumaddii hore oo aan ka midka ahaa, mana jirto cid bedeli karta,” ayuu yiri  C/qaasim Salaad oo sheegay in heshiiskii isfahamka dhinaca badda ahaa ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid sharci-darro ah, ciddii sameysayna ay gashay qiyaano Qaran.

Wuxuu intaas raaciyay codsi uu u jeediyay  shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda KMG oo waydiistay in laga hor tago, si wada jir ah, qorshayaasha lagu doonayo in lagu xadeeyo badda Soomaaliya.

Wuxuu baarlamaanka Soomaaliya lu soo jeediyay inuu tilaabo cad ka qaado cid walba oo lug ku leh qorshaha la doonayo in lagu xadeeyo badad Soomaaliya, markaas kaddibna loo diyaariyo maxkamad si loo xukumo, inta arrintaas ku dhaqaaqda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: