Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya oo xaflad sagootin ah u sameysay arday waxbarasho loogu qaadayay dalka Imaaraadka.

undefinedHalkaan ka akhri

Munaasabad lagu sagootinayay arday Soomaaliyeed oo dalka Imaaraadka Carabta u aadaysay barashada Deplomaasiyada ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha dibada isla markaana lagu sagootinayay arday gaareeysa ila 50 oo dalka Imaaraadka carabta u aadaysa barashada Diiplpmaasiyada ayaa waxaa ka soo qeybgalay masā€™uulyiin ka tirsan wasaaradaha warfaafinta iyo arimaha dibadda.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Cismaan Maxamed Aaden oo kula dardaarmay ardaydaasi oo jaamacado kaga soo baxay dalka iyo dibadda in ay yihiin danjirayaal Soomaaliyeed isagoo ku xusuusiyay culeyskauu xilkaasi leeyahay.

Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka wasaarada arimaha dibadda Maxmed Maxamuud Xaaji Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay ardaydaasi in ay gutaan waajibaadka looga baahan yahay, waxaa uuna ardaydaasi ku booriyay in ay ka howlgali doonaan wasaaradda arimaha dibada marka ay soo laabtaan, wuxuuna u mahad celiyay dowladda Imaaraadka oo iyadu tababarro ku saabsan Diplomaasiyada ugu deeqday ardaydaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: