Waalidiinta dhashay Bishaar C/llaahi Nuur oo sheegay in wiilkoodu uu ka tirsanaa ilaalada Cali Dheere oo abti u ahaa.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar dheeri ah oo ka soo baxaya cidda ay ahaayeen 3-da qof oo saarnaa gaarigii qaraxa ku fuliyay xaruntii wasaaradda hargaha iyo saamaha ee magaalada Muqdisho ayaa cadeynaya in 3-da qof ee qaraxa gaystay midkood uu ahaa will ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Cali dheere.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu qaraxa gaystay hal nin oo ay magaciisa ku sheegen Bishaar C/llaahi Nuur, hase yeeshee, warbaahinta SomaliSwiss oo aqoonsatay magacaas ayaa la xiriirtay Hooyada iyo Aabaha dhalay wiilka la sheegay inuu qaraxa gaystay.

Abdullahi Nuur, iyo Madiina Jimcaale oo ahaa waalidiinta dhalay Bishaar ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay falka la sheegay inuu wiilkooda geystay iyo sida loo qalday, iyagoo xusay inay hore ugu dadaaleen inay ka reebaan, ciidan Al-Shabaab, hase yeeshee uu hanjabaado u soo jeediyay Cali dheere oo ay sheegeen inuu ahaa Abtigiis, isla markaana wxay xuseen inuu ka mid ahaa wiilku ilaaladiisa gaarka ah.

dhinaca kale Asad Cabdi Saciid oo dowladda KMG ah ay sheegtay inuu ahaa mid ka mid ah 3-da qaraxa fulisay ayay somaliSwiss ogaatay inuu wiilkaasi ka mid ahaa arday hore u soo booqatay wasaaradda waxbarashada oo kaarkiisu yiillay, sidoo kalena uu nool yahay oo weliba isagoo dhaawac culus ah yaallo, isbitaalka Madiina.

Asad Cabdi Saciid, wuxuu ka mid ahaa Arday hore ugu baastay Imtixaanka Ardayda loogu qaadayo dalka Turkiga, wuxuuna Muqdisho u yimid, si uu uga dhamaysto wasaaradda waxbarashada dukumiintis iyo waxyaabo kale oo uga harsanaa.

Waalidiinta Asad oo la hadlay saxaafadda, iyagoo magaciisa ka soo dhex saaray liiska ardaydii baastay todobaadkii hore ayaa dowladda ka codsaday, inay raalli gelin ka bixiso arrintaas.

WAR DEG DEG AH:

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY GOOR DOW XARUNTA MADAXTOOYADA

Madaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay haybta qofkii is-qarxiyay

 (Muqdisho, 4 Oktoobar 2011) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijineysa in Asad Cabdi Saciid uu ka mid ahaa ardeydii dhismaha Wasaaradda Waxbarashada ku sugeysay natiijadii imtixaankii laga qaaday, mana ku lug lahayn howlo argagixiso.

 Asad wuxuu ka mid ahaa ardeydii imtixaanka ku gashay Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi, wuxuuna dalka u yimid arrinta ku saabsan waxbarashadiisa. 

Mudane Asad wuxuu naftiisa ka mid yahay dhibbanayaasha wax ku noqday weerarkii bahalnimada ahaa, waxaana haatan lagu daaweynayaa isbitaal ku yaalla Muqdisho.

 Haybta dadkii isqarxiyay waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka ay soo gabagaboobaan baaritaannada socda.

 Waxaan ka xunnahay khaladkaas dhacay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Other Related Articles

Dhegayso Wareysi Al-shabaab ka duubeen, wiilkii xasuuqay Ardayda Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ilaalada Cali Dheere..

Waalidiinta dhashay Bishaar C/llaahi Nuur oo sheegay in wiilkoodu uu ka tirsanaa ilaalada Cali Dheere oo abti u ahaa.

Sheydaan Cali Dheere oo qirtay in kooxdiisu laayeen Ardaydii shalay iyo kuwii hore ee Shaamow Hotel.

Daawo Qaraxii Maanta ka dhacay KM4 Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo si rasmi ah u sheegatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarixii Maanta ka dhacay Muqdisho oo uu fuliyay nin u dhashay Kenya iyo kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi.

%d bloggers like this: