Cali Dheere oo ku faanay in ay laayeen kooxdiisu Ardaydii shalay iyo kuwii hore ee Hotel Shaamow.

undefinedHalkaan ka akhri

Cali Maxamad Raage (Sheydaan Cali Dheere) ayaa shalay qirtay oo u sheegay warbaahinta kooxdiisa taageerta inay iyagu masuul ka yihiin oo ay xasuuqeen arday Soomaaliyeed iyo Qaraabadooda, kuwaas oo sugayay natiijada imtixaan waxbarasho oo loogu qaadi lahaa dalka Turkiga.

Dad lagu qiyaasay 80-120 ayaa halkaas ku dhintay kuwaas oo badankood ahaayeen aradaydii halkaas ku sugnayd, eheladooda oo la socotay iyo dadwayne marayay wadada iyo Askar waardiye ka ahayd xarumaha wasaarado dowladda KMG ah oo halkaas ku yiillay.

Cali Dheere oo u muuqday inuu ku faraxsanaa laynta ardaydii mustaqbalkii dalka Soomaaliya ayaa ku jees jeesay inay ahaayeen askar dowlo, isagoo malaha ka xanaaqsanaa sababta ay ardaydaasi ugu biiri waayeen ururkiisa oo ay uga mid noqon kuwa dabar goynaya dadka iyo dalka Soomaaliya.

Jawaabta Cali Dheere oo uu qirtay in Ururkiisu ka dambeeyay laynta ardaydaas, ayaa cadaynaysa inuu sidoo kale isagu ka dambeeyay ardaydii hore loogu xasuuqay Hotel Shaamoow ee sidan oo kale iyagoo faraxsan oo samaysanaya xaflad qalin jebin lagu xasuuqay hoolka xafladaha ee Hotelka Shaamoow.

Qarixii Shalay oo ay fuliyeen dad Ajaaniib ah oo laga aqoonsaday nin Kenyaati ah ayaa u muuqday mid lagula dagaallamayo mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, taas oo loo macnayn karo in ururka Al-Shabaab ay ku xiran yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo isugu jira dalal sheegta Muslim iyo kuwa gaalo ah intaba, ayna u shaqeeyaan iyaga.

W/Q Mohamad Saadaq
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

Other Related Articles

Daawo Qaraxii Maanta ka dhacay KM4 Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo si rasmi ah u sheegatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarixii Maanta ka dhacay Muqdisho oo uu fuliyay nin u dhashay Kenya iyo kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi.

%d bloggers like this: