Jaaliyada Soomaalida dalka Switzerland oo Billad Sharaf Mahad-Naq ah gudoonisiiyay Qunsulka guud ee Turkiga u fadhiya magalaada Zürich.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ayaa Billad Sharaf Mahadnaq ah gudoonisiiyay Qunsulka guud ee dowlada Turkiga u fadhiya dalka Switzerland, gaar ahaan Magaalada Zürich.

Wafdiga Jaaliyada Soomaaliyeed ee Switzerland ayaa waxaa hor kacayay Odayaasha magaalada iyo madaxda ururada, waxaana ku wehlinayay xubno ka socday Jaaliyada.

Waxaa halkaasi si diiran noogu soo dhaweeyay qaar ka mida mas´uuliyiin ka socday, Xafiiska Qunsulka iyadoo kolkii aan halkaasi gaarnay ay goob joog ku ahaayeen, Wariyeyaal fara badan oo ka kala socday Warbaahinta dalka Turkiga.

Dhinaca saxafada Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay wariye katirsan Idaacadda iyo Website-ka SomaliSwiss ee magaalada Zürich.

Soo dhaweyn kadib xubnihii ka socday dhinaca Jaaliyada Soomaalida ee dalka Switzerland ayaa Qunsulka guud ee dowladda Turkiga waxaa ay uga Mahad celiyeen sida ay ugu gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibta Abaaraha ay halakeeyeen, waxaana halkaasi uu Qunsulka dowladda Turkiga kaga gudoomay Billad Sharaftii iyo Qoraal Mahdnaq ah, wuxuuna ummadda Soomaliyeed u Rajeeyay Nabad iyo Barwaaqo.

Somaliswiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: