Dowladda KMG Soomaaliya oo soo bandhigtay afar dhalinyaro ah oo kasoo goosatay kooxda Al-Shabab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Hay’adda nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo banadhigtay dhallinyaro ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab oo isu soo dhiibay dowladda KMG.

Xarunta hay’adda nabad sugidda qaranka ayaa waxaa maanta Saxaafadda waxaa loogu soo bandhigay 4 wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo ay horay u tashkiiliyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhallinyaradan ayaa waxaa ay da’dooda u dhaxeysay 20 illaa 22 sano jir iyagoo saxaafadda u sheegay in dhibaatooyin badan ay lasoo kulmeen mudadii ay la soo shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab oo ay qaarkood goobjoog ka noqdeen iyadoo la gowracyo saaxiibadood kale ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Wiilasha la soo bandhigay ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay:- Axmed Cabdi, Maxamed Cabdi,  Najiib Cabdi iyo Jamaal Xasan, iyagoo ka soo qeyb qaatay dagaallo ka kala dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

Dowladda KMG Soolmaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku celcelisay in dhallinyarada ay marin habaabiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab isaga soo baxaan, islamrkaana isu soo dhiibaan dowladda si ay u amaan galaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa dowladda ku soo biiray Boqollaal ka tirsaanaa horjoogeyaasha iyo dhallinyarada ay maskaxda ka qaldeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo u dulqaadan waayay gummaadka ay ku hayaan dadkooda maadaama afkaarta ay ku shaqeeyaan tahay mid ay soo abaabuleen ajaaniibta dambiileyaasha ah ee ku xiran kooxda  Al-Qa’ida.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: