Dhegayso Wareysi Al-Shabaab ka duubeen, wiilkii xasuuqay Ardayda Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ilaalada Cali Dheere.

HOOS KA DHEGAYSO WAREYSIGA

undefinedHalkaan ka akhri 

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay inuu qaraxa lagu xasuuqay Ardayda Soomaaliyeed gaystay wiil ay magaciisa ku sheegen Bishaar C/llaahi Nuur, hase yeeshee, warbaahinta SomaliSwiss oo aqoonsatay magacaas ayaa la xiriirtay Hooyada iyo Aabaha dhalay wiilka la sheegay inuu qaraxa gaystay.

Abdullahi Nuur, iyo Madiina Jimcaale oo ahaa waalidiinta dhalay Bishaar ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay falka la sheegay inuu wiilkooda ku kacay, iyagoo sheegay inay aad ula yaaban yihiin sida loo qaldayo ilmaha Soomaaliyeed, waxayna xuseen inay hore marar badan ugu dadaaleen inay ka reebaan  ciidanka Al-Shabaab, hase yeeshee uu hanjabaado u soo jeediyay Cali dheere oo ay sheegeen inuu ahaa wiilka Abtigiis, isla markaana wxay xuseen inuu ka mid ahaa Bishaar ilaalada gaarka ah ee Cali dheere.

DHEGEYSO WAREYSIGA AL-SHABAAB KA QAADEEN WIILKAAS

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Other Related Articles

Dhegayso Wareysi Al-shabaab ka duubeen, wiilkii xasuuqay Ardayda Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ilaalada Cali Dheere..

Waalidiinta dhashay Bishaar C/llaahi Nuur oo sheegay in wiilkoodu uu ka tirsanaa ilaalada Cali Dheere oo abti u ahaa.

Cali Dheere oo qirtay in kooxdiisu laayeen Ardaydii shalay iyo kuwii hore ee Shaamow Hotel.

Daawo Qaraxii Maanta ka dhacay KM4 Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo si rasmi ah u sheegatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarixii Maanta ka dhacay Muqdisho oo uu fuliyay nin u dhashay Kenya iyo kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi.

%d bloggers like this: