Ban Ki Moon oo ka hadlay falkii Naxriis darro ahaa ee ka dhacay Xarunta Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho

undefinedHalkaan ka akhri

Ban ki Moon ayaa fal arxan darro ah ku tilmaamay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta Hargaha iyo Saamaha ee Magaalada Muqdisho oo ay ku yaaleen dhawr wasaaraddood oo ka tirsan xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

Ban ki Moon oo xafiiskiisa laga soo saaray war-saxaafadeed ayaa waxaa lagu sheegay inay xanuun badan ku abuurayso waxa dhacay waxaana uu intaa ku darayaa inuu xanuunka la qeybsanayo bulshada Soomaaliyeed ee waxyeeladu soo gaartay.

Xog’hayuhu waxaa uuu xusay in weerarkaan uu muujinayo inay wali jiraan dad u ooman dhiiga shacabka oo doonaya in colaadu sii socoto oo ay gaarto meel aan waxba laga qaban Karin.

Sidoo kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  cambeereeyay qaraxii ay dadka badan ku waxyeeloobeen, waxayna war-saxaafadeed ay ka soo saareengolaha amaanku  waxaa lagu sheegay in xubnaha golaha amaanku uu si weyn uga xunyahay qaraxa ismiidaaminta ah eel ala bartilmaansaday xarumo ay leeyihiin wasaaraddo dawlada KMG .

Dhanka kale Gudoomiyaha golaha ammaanka ee Q,M ee xilligaan ahna wakiilka joogtada ah ee dawlada Nigeria u fadhiya Q,M Joy Ogwu ayaa sheegay inay mar kale ka xun yihiin sida wax u dhaceen.

Joy Ogwu waxaa uu xusay waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in la taageero dawladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada Midawga Africa ee AMISOM .

 Gudoomiyaha golaha ammaanka oo arrintaas ka hadlyey wuxuu yiri: “Xubnaha golaha amaanku waxaa uu tiiraanyada la wadaagaa bulshada dhibaateysan ee Soomaaliyeed”.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: