Qarixii Maanta ka dhacay Muqdisho oo uu fuliyay nin la sheegay inuu ahaa Kenyaati iyo kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Faafhaahin dheeri ah oo ka soo baxaysa khaasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ay Al-Shabaab la beegsadeen xarumo ku yaallay magaalada Muqdisho oo arday dalka Turkiga waxbarasho loogu qaadi lahaa looga qaadayay imtixinaad ayay ka soo baxayaan warar kala duwan.

(Tira u dhexeysa 70 ilaa 120-ruux ayaa qaraxaasi ku geeriyootay, lamana hubo tirada saxda ah ee dhimatay)

Hase yeeshee Waxaaa soo baxay faahfaahin ku saabsan qaraxaasi ismniidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Ex-xaruntii wakaalada Hargaha iyo Saamaha, halkaasoo xafiisyo ay u ahaayeen todoba wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha dowlada KMG Soomaaliya, waxaana qaraxaasi fuliyay nin Kenyaati ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan dowladda KMG ah.

Gaari nuuca UD ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna rarnaayeen Biro Scarab ah ayaa gudaha u galay, kadib  markii dad naftood hurayaal ah ay jireen ilaalada hore ee xaruntaasi, iyadoo qaraxaasi uu ahaa mid aad u xoog badan oo laga maqlaayay xaafadaha Muqdisho. 

Xaruntaasi waxaa ku sugnaa xiligaasi arday imtixaanaad looga qaadi lahaa dalka Turkiga, iyadoo ardaydaasi qaar ka mid ah ku dhinteen qarxaasi, iyadoo qaraxaasi uuasan magaalada Muqdisho ka dhicin mid la mid ah. Wixii faah faahin ah kala soco somaliSwiss

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: