Kooxda Al-Shabaab oo si rasmi ah u sheegatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA

undefinedHalkaan ka akhri

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA QARIXII MAANTA

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa waxaa uu goor dhow shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegtay qaraxii maanta ka dhacay xarunta wasaarada hargaha iyo saamaha ee dadka badan lagu xasuuqay.

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in qaraxa ay fuliyeen guutada ay u yaqaaniin (Istishhaadiga) ee ciidanka Al-Shabaab, isagoo sheegay in cadowga ay dhabarka ka jabiyeen, sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID EE AL-SHABAB

Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in xarunta wasaarada Hargaha iyo Saamaha ay saldhiga u ahayd  sirdoonka dowladda KMG iyo kuwa reer Galbeedka, waxaa uuna intaa ku daray in qaraxa maanta hadafkii la rabay laga gaaray.

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu yiri “sirdoonka Al-Shabaab waxaa ay isha ku hayeen goobta maanta qaraxa lala beegsaday, waa ayna lasocdeen dhaqdhaqaaqyada ka socday” waa sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa beeniyey in qofka qaraxa fuliyey uu u dhashay dalka Kenya sida uu xusay Sarkaal u hadlay dowladda KMG, waxaa uu sheegay in qofka qaraxa fuliyey uu yahay wiil arday ah oo Muqdisho wax ku bartay, laguna magacaabo Bishaar C/llaahi Nuur.

Afhayeenka Al-Shabaab Sh. Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ka fogaadaan xarumaha ay degan yihiin madaxda dowladda KMG Soomaaliya, si buu yiri aan weerarada dhib uga soo gaarin, isagoo ku nuux nuuxsaday in ay dadka u turayaan, aysan jeclayn in qof Muslin ah uu weerarada ay geysanayaan uu ku dhinto.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: