Al-Shabaab oo xayiraadyo kusoo rogtay Shirkada Nation-ka ee ka howl gasha Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Sida ay u xaqiijiyeen Warsidahaan ilo wareedyo ku dhow shirkadda isgaarsiinta Nationlink oo ka mid ah shirkadihii maanta Al-Shabaab ay shaqada ka joojiyeen ee ku yaalla gobolada koonfurta Soomaaliya, waxaa caawa dib loo fasaxay hawshii shirkadda.

Mid ka mid ah hawlwadeenada shirkadda oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa xaqiijiyey in shirkadda Nationlink oo ka mid ahayd saddex shirkadood oo maanta Al-Shabaab xayiraad ku soo rogeen ay bixisay lacag caddaan ah oo gaareysa $30,000 (soddon kun oo doolar) taasoo ah waxa ay Al-Shabaab ku tilmaameen Zako y iyagu ka qaadayaan shirkadaha ganacsiga ee ka hawlgala deegaanada ay maamulaan.

Dhaqaalahan ayay shirkadda Nationlink bixisay ka dib markii wada xaajood saacado badan qaatay maanta uu dhexmaray masuuliyiinta shirkaddasi iyo saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsan dhanka lacag ururinta oo xafiis ka furtay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho. Waxaana caawa ugu dambeyn shirkadda Nationlink loo fasaxay inay dib u hawlgasho.

Waxaa caawa hawada ku soo noqday isgaarsiinta qaar ka mid ah deegaanadii shirkaddu joogtay ee maanta hawada laga saaray, kuwaasoo ay ka mid yihiin gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Shaqaalaha shirkadda Nationlink ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee goboladaasi oo saaka markii amarka Al-Shabaab uu soo baxay isga tegey xarumahooda ayaa lagu wargeliyey inay dib berito u soo shaqo tagaan ayna hawshooda wadan karaan maadaama dhaqaalihii ay ka rabeen Shabaabka shirkadda la bixiyey.

Dhanka kale shirkadaha Dahabshiil iyo Telecom Somalia oo iyaguna amarka xiritaanka la duldhigay ayaan ilaa hadda ogolaanin lacag kor u dhaafeysa $30,000 taasoo Shabaabka ku sheegteen shirkadaha. Mana cadda in labadan shirkadood ay lacagta iska bixin doonaan iyo in kale.

Horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa saakay soo saaray amar ay shaqada looga joojiyey shirkadaha Nationlink, Telecom Somalia iyo shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo xarunteeda weyn ay ku taallo deegaanka Ceelasha biyaha. Waxaana amarkaasi uu saameyn weyn maanta ku yeeshay dhaqdhaqaaqa suuqyada iyo ganacsiga iyadoo dad badan oo lacago u yaallaan shirkadda Dahabshiil ay maanta dib uga soo laabteen.

Lacagahan faraha badan ee ay Al-Shabaab duldhigeen shirkadaha ganacsiga ayaa waxaa hore u bixiyey shirkadaha Hormuud ee dhanka isgaarsiinta iyo qaar badan oo ka mid ah xawaaladaha, waxaana dadku isweydiinayaan lacagta tirada badan ee Al-Shabaab ka urursaneyso shirkadaha halka ay u wadaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: