Horjooge-yaal ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo lasheegay in ay gaareen Koonfur Afrika.

undefinedHalkaan ka akhri

Waaxda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Dalka Koofur Afrika Ayaa la sheegay inay si rasmi ah U heleen warar Sir ah, kuwaas oo ku saabsan in Horjogayaal sare oo Ka Tirsan Kooxda Al-shabaabka ay Qaab dhuumaalaysi Ah Ku galeen Gudaha Dalkaasi.

Warbixintaas oo ay xiganaysay SABC ayaa sheegtay in qeybaha nabad sugidda, dabagalka iyo sirdoonka dalkaasi ay in muddo ah ku raad joogaan, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen xubno la sheegay iney halkaasi ku noolaayeen, in muddo ah, hase yeeshee intii ay ku jireen baaritaanka arrintaas iyo howlo kale oo ku saabsan daba gal lagu hayay ganacsdato Al-Shabaab lacag u dirta ay ka soo dhex baxday inay jiraan saraakiil sare oo goor dhow soo gaaray dalkaas.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidmada Sirdoonka Dalkaas Mr Jamp Noum uu Waraysi siiyay Talafashinka SABC ee dalkaasi uu sheegay in tuhun ay hore qabeen oo ahaa in gudaha dalkaasi ay soo gaareen Horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay rumowday.

Wuxuu xusay inay hadda xaqiijiyeen arrintaas, isla markaana ay la socdaan dhaq dhaqaaqooda, meelaha ay ku nool yihiin, halka ay tegayaan, iyo cidda ay ku xiran yihiin intaba.

SomaliSwiss Johansberg

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: