Advertisements

Ciidamo ka socda AMISOM oo dhowaan gaaraya Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidamo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 5000 oo ka socda Nabad ilaaliye yaasha AMISOM ayaa la sheegay in la geyn doono maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Sida ay cadeeyeen wararka ka imaanaya maamulka Faroole ee Gobollada Puntland laba kun oo askari oo Amisom ah ayaa dhowaan imaan doona deegaankaas Puntland, si’ay uga qeyb qaataan dhinaca amniga Puntland oo xilliyadii ugu dambeysay faraha ka sii baxaayay.

Afhayeenka Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cumar Xersi “Libaax Joore”, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa cadeeyay in deegaanada Puntland ay imaan doonaan laba kun oo askari oo Amisom ah dhowaan.

Dhinaca kale wada hadallo u socda Saraakiil Amisom ah iyo kuwa dowladda KMG oo maanta kulan ku lahaa Galmudug ayaa la sheegay in laysku afgartay in 3000 Askari oo AMISOM ka socda lageeyo Maamulka Galmudug, mana cadda xilliga saxda ah ee la geyn doono ciidamadaas deegaannada maamulladaas iyo wadamada ay ka imaan doonaan.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: