Wasiirka Kaluumaysiga Dowladda KMG oo beeniyay hadal uu maalmo ka hor sheegay.

DHEGAYSO WAREYSIYO BADAN

undefinedHalkaan ka akhri

Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim, Wasiirka kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Somaaliya ayaa maanta beeniyay hadal uu hore u sheegay kaas oo ahaa in la xadeynayo badda Soomaaliya. 

Wasiirka oo looga yeeray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyey In Badda Soomaaliya la doonayo in la xadeeyo, isla markaana laga dhigo 12 Nautical mile iyo sidoo kale shir la sheegey in uu ka qayb galey oo ka ddhacay Dalka Seyshells oo lagu waramey in looga hadlayey Ariimaha Badda Soomaaliya isagoo Su’aalahaas ka jawaabaya waxaa uu yiri

” Cidda tiri Badda Soomaaliya ayaa la xadeynayaa arrinkaa waa ay ka been sheegeen, marka waxaan Baarlamaanka Soomaaliya ku amaanayaa sida ay mar weliba u difaacayaan wax kasta oo Qaranimada Soomaaliya wax u dhimeysa  halkaas ka sii wada howshaas aad ummadda Soomaaliyeed u haysaan” Halkaan ka dhegayso hadalkisii Shalay

Halkaan ka dhegayso hadalkiisii hore ee uu ku sheegay in la xadaynayo badda.

Mar uu ka hadlayey Shirkii Sheshalis waxaa uu yiri ” Shirkaas marnaba laguma Soo qaadin wax ku saabsan badda Soomaaliya waxaa shirkaas looga Hadley arrimo la xiriira Burcad badeedka marka Ciida sheegtey in shirkaas looga Hadley ha cadeyso”

Dooda oo halkeeda ka sii socon doonta  ayaa la filaya in maalinta beri ah la iskula soo laabto halkaasna laga sii wado arrimaha la xiriira xadeynta badda Soomaaliya waxayna Xildhibaanada Baarlamanka ay codsadeen in Baarlamaanka la horkeeno Sharciga badda iyo kan kaluumeysiga sidoo kale waxay Codsadeen in  iyana la horkeeno baarlamaaka Soomaaliya Qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan  lagu soo gababageeyey magaalada Muqdisho ee loogu yeerey shirkii wada tashiga Soomaaliyeed.

Dhanka kale Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Toronto ee dalkasi Canada, October 2, 2011, ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo uu ku dhaliilayo sida ay xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Dr-C/weli Maxamed Cali Gaas ay uga hadashay arrinta Bada Soomaaliya ee lagu soo xad gudbay, islamarkaana ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo Barlamaanka KMG ah inay intaan la gaarin 19-ka December 2011 kacaan (ka dibadbaxan), islamarkaana guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii loo badbaadsan lahaa xaduuda badda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG ee xukuumaddii Farmaajo, Maxamed Macallin Xasan, oo Shalay waraysi ku saabsan badda Soomaaliya la yeelatay VOA, Codka Maraykanka ayaa caddeeyey in heshiiskii Is-faham (MoU) ee DFKMG la gashay Kenya haddii uu hirgeli lahaa in ay “noqon lahayd fursad ay yeelaneyso Kenya,” isla markaasna ay “Soomaaliya ku waayi lahayd dhul-badeed aad u baaxad weyn.”

Halkaan ka dhegayso hadalkiisii Shalay.

May 8, 2011 ayey ahayd markii Maxamed Macallin Xasan oo ahaa Wasiirkii Kalluumaysiga ee xukuumaddii Farmaajo oo safar kaga soo laabtay London uu yiri “Dhibaatada jirta waxay ahayd inkasta oo aan anaga lahayn xeerka Soomaaliya ee 1972-dii waxa uu qorayaa Territorial Sea (Waters) oo ah 200 nautical miles, haddana dunida nooma aqoonsanin xeerka caalamiga ah, waxay nagu yiraahdeen oo keliya ‘Soomaaliya waxaan u aqoonsanahay 12 nautical miles oo keliya”.

Halkaan ka dhegayso hadalkisii hore intii uu wasiirka ahaa:

 (HALKAAN KA AKHRI HADALKISII HORE)

SomaliSwiss Admins

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: