Sharciyada Badda Soomaaliya, cabirkeeda saxda ah iyo Dowladdii Militerigu wixii ay ka tiri.

HOOS KA FIIRI CABIRKA BADDA

undefinedHalkaan ka akhri

Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka

Badda ku xeeran dhulka Soomaalida, oo dhererkeeda lagu qiyaaso 3333km – bilicda iyo quruxda ka sokow- waxay ka mid tahay badaha ay ku jiraan khayraadka ugu badan adduunka ee aan weli la daah-furin ama laga faa’iidaysan.HALKAAN RIIX SHURUUCDA BADDA SOOMAALIYA OO DHAN.

Balse, maadaama sanadahaan dambe, dowlado shisheeye oo kaashanaya damiir-laawe yaal Soomaali ah ay doonayaan inay boobaan Badda iyo berriga Soomaaliyeed bal Inta aynaan u guda gelin Xeer Cusub ee Badaha iyo samayntiis,  aan dib u jalleecno waxyaabihii ay Soomaaliya ka tiri xeerkii hore ee badaha adduunka iyo sharciyadii ay ka soo saartay, iyo xuquuqdii ay lahayd ee caalamku u aqoonsanaa.

Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982-dii. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu Xeerka Badaha Adduunku si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii November 1994.

Laakiin, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in 200 nmi (370 km) ee badda loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka Soomaalida.

Dalalka Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, markii ay heleen xorriyadda waxay dib u eegeen xeerarkii ay dejiyeen gumaystayaashii. Xeerarkaas dib loo eegay waxaa ka mid ahaa xeerka badaha oo xadaynayey in badaha dhulka dalalkaasi ay xaqa u leeyihiin ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km) oo keliya. Haddaba, sannadkii 1963 ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania waxa ay  fogaantii badda (ballaca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ay ka dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay ballacii 3nmi ee badahooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii 1969, 1970 iyo 1972 siday u kala horeeyaan.

Sida aan hoos ku arki doono, dawladdii Soomaaliya waxay sharci rasmi ah oo arrintaas jidaynayay ka soo saartay xeer loo yaqaan Law N0:37 oo soo baxay sannadkii 1972  – kaas oo macnihiisu yahay in Soomaaliya aysan aqoonsanayn Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ) loo yaqaanno, balse ay Aagaas u aqoonsan tahay in uu ka mid yahay dhulka Soomaalida (Teritorial Sea Waters), taas oo macnaha saxda ah ee ka dambeeyay uu ahaa in EEZ uu yahay xeerka ay isticmaalaan wadamada xeer badeedkoodu yahay 12 nmi (22km), sidaasi darteed uusan Soomaaliya quseyn isla markaana aysan aqoonsanayn.

Soomaaliya aragtideedu waxay ahayd in ay ka faa’iidaysan karto baddeeda haddii ay kordhiso badda ay xaqa u leedahay – arrintaas buugaag badan ayaa laga qoray.

Dawladdii Soomaaliya oo ka hadleysey qeexidda Aagga Ganacsiga ee loo yaqaan EEZ iyo sida ay u aragto waxay tiri “Habka ugu macquulsan ee ay tahay in lagu magacaabo aagga badda ee qaranka waa in la yiraahdo badda ka tirsan dhulka dalkaas, halkii laga oran lahaa Badda Ganacsiga ee Gaarka u ah dalkaas. Dalalka soo koraya dantooda waxaa loo adeegi karaa marka badda dalalkaas ay ahaato fogaan ku xadaysan 200 nmi. Waa in aysan fikir ahaan noqon Badda Gaarka ah ee Ganacsiga, balse hab firkir ahaan waa in ay noqoto bad ka tirsan dhulka dalalkaas”.

Dawladdii Soomaaliya waxay si cad oo Qeexan u sheegatay in ay mulki ahaan u leedahay badda laga bilaabo xeebta ilaa 370km oo toos ugu beegan xeebta. Waxayna sheegtay in baddaas ay mari karaan oo keliya maraakiibta dalalka ay aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Waxaana khasab ku ahayd maraakiibta shisheeye in ay marka hore ogolaansho ka helaan Soomaaliya ka hor inta aysan halkaas marin.

Khariidad muujineysa baaxadda badda ku xeeran dhulka Soomaalida. source: Google Earth

Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka

Xeer lagu dhaqo Badaha Adduunka in la sameeyo waxaa loo baahday kaddib markii la arkay in uusan shaqayn karin xeerkii badda ee lagu dhaqmi jirey laga soo bilaabo qarnigii 17aad ee ay sameeyeen Dutch-ka (Holland), kaas oo biyaha badda ee dal uu leeyahay ku xadidayey meel xeebta ka durugsan 3 nautical mile (5.6 km) oo keliya. Biyaha badda ee intaas ka baxsan waxay ahaan jireen kuwo aan cidna lahayn, oo aan cidna sheegan karin. FG: 1 nautical mile (nmi) = 1.852 kilometer (km).

Qarnigii 20aad ayaa dalal badan oo leh xeeb waxay muujiyey baahida ay u qabaan in la kordhiyo fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ee ay dalalkaasi xaqa u leeyihiin, si ay u yeeshaan macdanta, Batroolka iyo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana u difaacdaan kalluunka, kana ilaaliyaan wasakhaynta loo geysan karo ama in aan qashinka lagu duugin. Arrintaas baahideeda waxaa lagu aqoonsaday kulan sannadkii 1930kii lagu qabtay magaalada Hague (Holland), laakiin kulankaas waxba la iskuma raacin.

Shir-weynihii ugu horeeyey ee Qarammada Midoobey ee sida rasmiga looga hadlay xeer loo saameeyo Badaha Adduunka waxaa magaalada Geneva (Switzerland) lagu qabtay 29kii April 1958, shirkaas oo hordhac u ahaa afar kulan oo lagu samaynayey Xeerka Badaha. Sannadihii 1970-naadkii ayaa la qabtay shir-weynihii saddexaad ee Qarammada Midoobey ee xeer u samaynta badda. Shir-weynahaas kaddib, toban (10) sano ayey qaadatay in la nidaamiyo xeerka badaha, ayadoo la tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira iyo cidda yeelan doonta.

Shirweynihii Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay, kaddibna dhaqan geliyey. Laakiin sida aan arki doono waxaa jira dalal saxiixay balse aan weli dhaqan gelin, dalal diiddan qaybo ka mid ah xeerka badda iyo dalal aanba saxiixin. Waxaa Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Convention of the Law of the Sea).

  • FG: Soomaaliya waxay xeerka badaha Saxiixday ayadoo aan ka tanaasulin Sharciga Soomaaliya ee Law No. 37 ee soo baxay 1972, taas oo badda Soomaaliya tahay 200-maylbadeed oo ah TS.

Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas – toosna ugu beegan xeebta (macne weyn ayaa ku jira hadalka ah “toos ugu beegan xeebta“).

Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nmi (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha.

1: TS: Territorial sea (ka tirsan Dhulka Dalka qaar). 2: CZ: Contiguous Zone (Aagga la olloga ah dalka). 3: EEZ: Economic Exclusive Zone (Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga). 4: HS: High Sea (Bad weyn). 5: Continental Shelf (Qalfoofka Qaaradda - waa inta dhulka ah ee si toos badda u sii dhex gashan).

FG. Sagaal (9) dal oo Soomaaliya ka mid tahay TS waxaa u ah 200 M
Waxaana jira dalal kale oo cabirka TS u dhexeeyo 12 ilaa 200 M

Sida aan warbixintan ku arki doono, waxaa jira qorshe ay hadda waddo Qarammada Midoobey oo lagu doonayo in wax laga bedelo “Xeerka Badaha Adduunka”, waxaa qorshuhu yahay in la kordhiyo fogaanta 200nmi oo laga dhigo ilaa 350 nmi (648 km) – Sidaas daraadeed waxaa la kordhinayaa waa Aagga Gaarka ee Ganacsiga ee EEZ, laakiin madaxda Soomaaliya mafahamsana arrintaas ama waysan doonayn inay fahmaan oo arrimo kale ayaa u muuqda, laakiin Kenya iyo saxiibadeed way fahamsan yihiin, waana sababta ay u doonayaan, in wixii u kordha inay u soo durgaan dhinaca Qeyraadka leh ee Soomaaliya.

Xeerka 200 NM Kharidada muujinaysa cabirka hore Soomaaliya u haysatay iyo inta ay xaq u leedahay ee u kordhaysa

 Haddaba sannadkii 1963 ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania waxay  fogaantii badda (ballaca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ka dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay ballacii 3nmi ee badahooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii 1969, 1970 iyo 1972 siday u kala horeeyaan.

Laakiin Soomaaliya taas waa ka duwanayd, maadaama aad uga baaxad weyn tahay xeeb ahaan, sidaasi darteed  Sannadkii 1967 ayaa Soomaaliya waxay fogaantii 12nmi ee badda dalka Soomaaliya ka dhigtay 200 nmi (370.4km).

Khariidad muujineysa cabiradii xadka badda Soomaaliya. Isha: Buugga V.L.Forbes

Bedka badda Soomaaliya ay xilligaas sheegatay waxaa lagu qiyaasay 782,800 sq. km

Xeer Lambar #37/1972 – Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:

  • Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.
  • Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).
  • Qodobka 6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta xamuulka iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta sita Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci. Haddii taas lagu xad gudbo marka hore waxaa markabka la ganaaxayaa 5,000 ilaa 10,000 Sh.So. (oo xilligaas u dhigantey $700 ilaa $1,500 – waa xilligii Shillinka Soomaaligu qiimaha lahaa oo ahaa US$1 = 7Sh.So.). Haddii xad gudubku soo noqdo mar labaad waxaa markaas ganaaxa laga dhigayaa laba-laab, waxaana kabtanka markabka lagu qaadayaa sharciga xeer dembiyeedka Soomaaliya, waxaana lala wareegi karaa markabka.
  • Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay maraan Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa tallaabadii ku haboon.
  • Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku xeeran dhulka Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.

Maadaama ilaalinta iyo beekhaaminta kalluunku uu muhiimad weyn u lahaa Soomaalida, waxaa dawladdii Soomaaliya soo saartay Xeerka Kalluumaysiga oo lambarkiisu ahaa N° 23 ee soo baxay 30kii November 1985, xeerkaas oo qeexayay maraakiibta iyo shakhsiyaadka la siiyo shatiga ee ka kalluumaysanaya baadda Soomaaliya in ay dhawraan xeerkaas, islamarkaasna ay soo sheegaan inta ay leegtahay kalluunka ay badda kala soo baxeeen iyo nidaamka ay adeegsadeen. Ciddii xeerkaas ku xadgudubtana ay la kulmayso ganaax adag ama xabsi. Waxaa xeerkaas ku cad in:

  • Ganaax gaaraya ilaa So.Sh. 10,000 laga qaadayo doonta aan matoorka lahayn ee xeerkaas ku xadgudubta.
  • Ganaax dhan So.Sh. 15,000 ilaa So.Sh. 4,000,000 laga qaadayo doonyaha uu saaran yahay matoorka baaxadiisu dhaxayso 6 HP (HorsePower) ilaa 101 HP.
  • Xabsi 3 ilaa 10 sano ah ama ganaax So.Sh. 5,000,000 ilaa So.Sh. 50,000,000, ama in la isugu daro xabsi iyo ganaax, qofkii kalluumaaysiga u adeegsa waxyaabaha qarxa, ama adeegsada aalad mamnuuc ah, ama kalluumaysa xilliga xirmada ee aan lal ogolayn in kalluunka la dabto, ama soo jillaabtay kalluun mamnuuc ay tahay in la soo qabto. (FG: Xilligaas 1985 qiimaha isku bedelka lacagtu wuxuu ahaa US$1 = 36 So.Sh. Sidaas daraadeed 50 million So.Sh waxay u dhigaantey 1.4 million doolar.)

Xeerkaas kaddib waxaa su’aalo ka soo laaban kareen sidee lagu xaqiijinayaa in maraakiibta shisheeye ee shatiga la siiyay ay runta ka sheegaan cadadka kalluunka ay la soo baxaan. Taas waxaa xal u noqotay: Wareegto ay Soomaaliya soo saartay 24kii September 1986 ayaa si qeexan u sheegtay maraakiibta shisheeye ee la siiyo shatiga kalluumaysiga badda Soomaaliya ay shardi tahay in shaqaalaha boqolkiiba 30% ka dhigaan Soomaali.

Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya (xeer #37/1972) waxay dawladdii Soomaaliyeed ka diiwaan gelisay dukumiintida Qarammada Midoobey – DOALOS/OLA.

Meelo badan oo ka mid ah dukumiintiga iyo qoraallada Qarammada Midoobey waxaa ku qoran in badda ay leedahay Soomaaliya (TS) ay tahay 200nmi, halka dalalka kale badankood badaha ay leeyihiin ay tahay 12 nmi. –  Xusuusnow dalalka kale cabbirka 200nmi waxay u tahay aagga ganacsiga (EEZ).

200 NM Shaxda Dalalka iyo badda inta ay hore u sheegteen

Dhaqan Galkii Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka

Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka (UNCLOS), Qodobkiisa 308aad waxa uu dhigayaa in Heshiiskii la saxiixay 10kii December 1982 uu dhaqan gelayo 12 bilood kaddib marka ay dhaqan geliyaan lixdan (60) dal. Dalalka dhaqan gelinaya waxaa marka hore laga doonayay in ay sharciga dalkooda waafajiyaan xeerka UNCLOS III, kaddibna ay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey keenaan khariidadda iyo xogta muujineysa xadka badda dalkaasi sheeganayo, markaas kaddibna in dalkaasi si rasmi ah u dhaqan geliyo xeerkaas.

Xeerkaas Badaha dhaqan gelinta waxaa loo furay 10kii December 1982. Maalintaas waxaa xeerka dhaqan geliyey dalka Fiji. Soomaaliya waxay noqotay dalkii 40aad ee dhaqan gelinya (1989). Dalkii 60aad waxaa noqday Guyana oo dhaqan gelisey 18kii November 1993. Waxaana xeerka UNCLOS uu markaas si rasmi ah u dhaqan galay November 1994. Tirada dalalka dhaqan geliyey heshiishaas (February 2009) waxa ay tiradoodu gaareysey 157 dal.

Khariidadda Muujineysa Heshiiska UNCLOS ee Badaha Adduunka. Source: WikiPedia.

Sida aan kor kusoo xusnay, waxaa jira dalal aan weli saxiixin xeerka Badaha Adduunka oo tiradoodu gaarayso ilaa 17 dal. Waxa kale oo jira dalal kor u dhaafaya 20 oo xeerka saxiixay laakiin aan weli dhaqan gelin, waxaana ka mid ah Maraykanka. Dalka Maraykanku in kasta oo uu ka mid yahay dalalka saxiixay, haddana heshiiskaas weli ma dhaqan gelin, sababtoo ah waxa uu diidey qodobka Part XI ee xeerka Badaha.[9] Qodobka Part XI waxa uu ku saabsan yahay xad u samaynta badda wixii ka baxsan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ). Waxaana qodobkaasi sheegayaa in aaggaas wixii ka baxsan ay noqoneyso Bad Caalami ah oo ay maamulaan Beesha Caalamka, gaar ahaan hay’ad Qarammada Midoobey samaysay oo loo soo gaabiyo ISA (International Seabed Authority), hay’addaas oo qaabilsan macdanta ku jirta ubucda badda hoosteeda.

Xuduud Badeedka Somaliya iyo Yemen Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda u dhaxaysa.Source: GoogleEarth

Muuqaalkaan hoose si fician u fiiri, waa xuduud badeedkii u kala yiil Somaliya iyo Kenya.

Kenya iyo Somalia Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda u dhaxaysa labada dal. Source: GoogleEarth

Qariradaha ama Map-ka  Cabirka Cusub ee dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobay sanadkii  2005, iyadoo sheeganaysa inay leedahay, waxaana saxiixay madaxweynaha Kenya

Cabirkaan cusub ee Kenya hadda rabto wuxuu ku soo dul aadayaa Garoonka Diyaardaha Muqdisho ama Jasiira.

Kibaki.

Bal si fiican u fiiri 3-da sawir oo hoose.

LAMA-SHAQA -Cabirka cusub ee badda ee Kenya cabiratay iyo meesha uu marayo.

  •    Mid ka mid ah Qariiradaha Kibaki saxiixay
  • Sawirada ama khariidada Kenya u gudbisey Qarammada Midoobay oo muujineysa sida ay Kenya u sheeganeyso badda Soomaaliya

SHARCIYADA BADDA SOOMAALIYA HALKAAN RIIX

Sanadkii 2005 ayuu saxiixay qariiradahaan cusub madaxweynaha Kenya, wuxuuna Qaramada Midoobay waydiistay in loo tix geliyo cabirkaan cusub.

%d bloggers like this: