Diyaarado dagaal oo dhadhaqaq ka wada G/Hiiraan.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar laga soo xigtay qaar ka mida dadka ku dhaqan degaamada u dhaxeeya Halgan & Buula-burte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya, in maalihii ugu dambeeyay deegaanadaasi lagu arkay dhaqdhaqaaqa 6-diyaaradood oo kuwa wax basaasa ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in in maalmihii ugu dambeeyay ay diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka, Fransiiska & Ingriiska ay dhaqdhaqaaq aan caadi aheyn ka wadaan degaanada u dhaxeeya Buuloburte-Halgan-Ceelbuur iyo tuulooyin dhowr ah oo u dhow magaalada Beledweyn sida Tuulada Booca ayaa kamida meelaha lagu arkay diyaaradaha nooca basaaska ah nooca drone-ka laguna arkay gobalka Hiiraan.

Goobjoogahaan ayaa sheegay in Horjoogaayaasha Shababka gaar ahaan garabka uu hormuudka ka yahay Axmed Cabdi Godane ay fariisimadoodii degaanada Konfurta u soo wareejiyeen Dagaanadaasi, waxeyna maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaayeen sidii fariiso cusub dhulka howdka ah uga sameysan lahaayeen, Dadka ku dhaqan degmada Buula-burte ay baqdin lasoo dersay kadib markii uu warkaasi soo gaaray degmada Buula-burte oo kamida meelaha Shabaabku ku xoogan yihiin ayna aadka dad dhibaatada uga gaystaan.

Waxaana diyaaradaha tiradooda lagu sheegay ilaa 6 diyaaradood, iyadoo lagu arkay gobalkaaasi maalintii shalay ahayd, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya iney diyaaradahaan ku raad joogaan laheystihii Fransiiska oo in muddo ah lagu hayo degaanada u dhaxeeya Bulo-burte-Halgan-Ceelbuur.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: