Xildhibaanada Baarlamaanka KMG oo Berri ka doodaya Muranka Badda Soomaaliya (Dhageyso).

undefinedHalkaan ka akhri

Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa maalinnimada Berri ah kulan ku yeelan doona magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo Ajandihii ee ay dhibaatadu ka taagneyd ee Badda Soomaaliya.

Kulankan ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya berito ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa iclaamiyey Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xildhibaanada lagu wargliyey in ay soo xaadiraan Shirka oo ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cumar Isloow oo kamid ah Baarlamaanka ayaa sheegay in dhammaanba Mudanayaasha Baarlamaanka lagu wargeliyey fadhiga beri oo Ajandihiisu yahay Badda Soomaaliya, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan.

HALKAAN KA DHEGAYSO XILDHIBAAN CUMAR ISLOW  

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka kulammo ay kaga doodayeen Sharciga Maalliyadda oo ay usoo gudbisay Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta Xukuumadda, kaasi oo ugu dambeyn ay Xildhibaanadu ansixiyeen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: