Shirkii Denmark uga socday dowladaha arrimaha Soomaaliya daneeya oo Qodobo laga soo saaray.

undefinedHalkaan ka akhri

Kulan ay ay kooxaha xiriirka Soomaaliya (International Contact Group) ay ku lahaayeen caasimadda Denmark ee Copenhagen ayaa lagu soo gabageeyey dalkaasi.

 Shirkaan oo ah kii 20-aad ayaa ujdeedadiisu ahayd sidii dhaqaale loogu raadin lahaa hawlaha mashaariicda ee lagu kaalmeynayo dowladda Soomaaliya.

Shirkaas oo uu guddoominayey ergeyga gaarka ee Qarmada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaliya Dr. Mahiga ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen:

  1. 1.   Hirgalinta shir dhagareedkii Muqdisho ka dhacay ee loogu magic daray (Road Map) ee nuxurkiisu ahaa in dowladda ay kaga bixi doonto, lahayd nidaamka KMG, taas oo ay ku hoos qarsanayd haddii ay badda Soomaaliya ka tanaasulaan.
  2. 2.   Xaaladda abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.
  3. 3.   Wax ka qabashada dhibaatada Burcad Badeeda.
  4. 4.   Ilaalinta xaquuqda bani-aadamka iyo dumarka.
  5. 5.   Horumarinta iyo dib-dhiska.

Gabagabadii shirka ayaa laga soo saaray go’aamo ay ka mid ah ahaayeen:

a) In la hirgaliyo heshiiskii wadatashiga Muqdisho ee badda Soomaaliya lagu xilwareejinayay, kaas oo ay wada saxiixdeen Mahiga iyo shakhsiyaad aan metelayn Soomaaliya oo dhan.

 b)In hay’adaha bulshada riyadka (Civil Society) laga qayb-galiyo wada tashiga iyo qorshe hawleedka.

c) In beesha caalmaka ay kaalmeyso heshiiyada lagu gaaray Xamar, kaalmadaasna ay ku xirantahay sida ay u hirgaliyaan qorshe hawleedka, oo dabcan loola jeedo inay saxiixaan ka tanaasulidda badda, haddii aysan sidaas yeelinna aysan jirin waax dhaqaalo ah ama taageero la siinayo.

d) In la abuuro sanduuq dhaqaale oo lagu kaalmeynayo dhammaan qaybaha kala duwan ee sugidda naba-galyada.

Dhanka dowladda Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhankiisa saluugay qorshe ay soo bandhigeen xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay isaga oo sheegay in ay marka hore habooneed in dowladda baahideeda lagala tashto, taas oo aan horeba u dhicin in wax loo yeeriyo maahee.

Xubno ka mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya uga qayb-galayey shirka oo u waramayey SomaliSwiss ayaa sheegay in ay ka biyo diidsan yihiin ku daridda kooxda Monitoring Group in ay qayb ka noqdaan wada tashiga iyo dib u heshiisiinta, sababta oo ah madax hay’adda UN Monitoring Groupka Mr. Matt Bryden oo ay dowladda Soomaaliya ka mamnuucday in soo galo dalka Soomaaliya oo lagu  eedeeyey in uu dowladda iyo madaxda Soomaaliya ka sheegay warar aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaa shirka ka soo qayb galay R/Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirada Arrimah Gudaha, Gaashaandhiga iyo Dastuurka ee dowlada Soomaaliya. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Xubno ka socda dowladda Puntland, Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Uganda, madaxa Ciidanka Amisom iyo wadamada ku bahoobay International Contact Group (ICG).

SomaliSwiss Copenhagen

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: