Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn & baaritaanno ku samaynaysa siyaasiyiinta Soomaaliya badankood.

HOOS KA FIIRI LIISKA Q-1aad

undefinedHalkaan ka akhri

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay Todobaadkaan Dalka Soomaaliya ka bilaabayaan baaritaan guud oo Cunqabatayn lagu saari doono siyaasiyiin fara badan oo Soomaaliyeed kuwaas, kuwaas oo laga xanibi doono hantida u taalla bankiyada caalamka, guryo haddii ay leeyihiin iyo sidoo kale inay dibadaha u safraan.

Tilaabadaan oo lagu macneeyay inay caawinayso, horusocodka nabadda iyo dowlad wanaagga Soomaaliya oo ay la degen musuq iyo xoolo kala aruursi ayaysan jirin cid ay dhaafayso, inkastoo ay jiraan dad kiisaskooda oo aan baaritaan u baahnayn gacanta lagu hayo iyo kuwa lagu samaynayo hubin.

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP ee dalka Mareykanka, Koox ka kooban 8 khubaro ah oo UN-ku u xilsaaray inay howshaan ku dhaqaaqaan ayaa todobaadkaan gudihiisa tegi doona Soomaaliya, waana markii ugu horeysay ee arrintaan oo kale ay la kulmayaan siyaasiyiinta Soomaalidu muddo 20 sano ah, tan iyo markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye iyo burburkii ka dambeeyay intaba. HALKAAN KA FIIRI LIISKA 1-aad PDF File ee DADKA UGU HOREEYA.

“Musuq maasuqu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hortaagan arrimaha geedi socodka nabadda Soomaaliya”ayuu yiri Matt Bryden oo madax u ah guddiga la socodka iyo cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, isla markaana la sheegay inuu guddigaas rag ka mid ah ay hogaaminayaan, xubnahaan UN-ka ka socda ee loo xil saaray soo uruurinta hanti-lunsade yaasha Soomaaliya iyo isbaarooleyda siyaasadda, dhaqaalaha, mucaawinada, hubka IWM, isagoo intaas ku daray inay tilaabadaasi tahay mid muujinaysa inaan loo sii dulqaadan doonin qof dambe oo jidgooyo u dhigta howlaha nabadda iyo siyaasadda Soomaaliya intaba.

Inkastoo Guddigaan lasocodka arrimaha Soomaaliya la sameeyay wax yar ka dib markii ay bilowdeen dagaalladii sokeeye ee dalka Soomaaliya, howshooduna ku koobnayd arrimaha cunaqabataynta hubka oo kaliya, hadana sanadkii 2008-dii ayay qaramada midoobay go’aansatay inay ku kordhiyaan in la cunaqabateeyo shaqsiyaadka ku kaca, hanti uruursi, ishortaag nabadeed, arrimo gargaar iyo arrimo kale.

Bishii July mar kale ayaa dib loo cusboonay siiyay in kuwa ku kaca hanti uruursiga iyo kuwa caqabad ku noqda nabadda si deg deg ah loo ciqaabo, taas oo ay isku mar soo baxeen wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay inay Soomaaliya ka jirto abaar tii ugu darneyd ee Soomaaliya soo marta muddo 60 sano ah.

 Bryden, wuxuu sheegay in aysan jirin cid ay dhaafayso seeftoodu, isla markaana la cunaqabatayn doono, qof kasta oo lagu helo inuu jidgooyo u dhigtay nabadda, dhacay hanti qaran, is hortaagay gargaar banii’aadam nimo ama deeq ay lahayd dowladda KMG ah, taas oo loogu deeqay ama ay ka heshay ilaha dhaqaalaha Soomaaliya.

“Baaritaankeennu wuxuu caawin doonaa guddiga cunaqabataynta, si loo xaqiijiyo in kuwa geystay arrimahaas loola xisaabtamo” ayuu yiri madaxa cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya oo intaas ku daray “Marka ugu horeysa kuwa seeftu qaadayso waa dadka soo qabtay, ama haya xilal sar sare, kuwaas oo caalamka laga yaqaanno, iyo kuwa Baasaboorada Ajnabiga ah wata, kuwa bankiyada dibadda lacago dhigtay ama ay hadda u yaallaan iyo kuwa safarradoodu badan yihiin”

“Shaqadaan cusub ee lagu bartilmaameedsanayo dadka caanka ah ee Soomaaliya siyaasadeeda kasoo dhex muuqday aa mid aad muhiim u ah” ayuu yiri Ken Menkhaus oo ah Profasoor  ku xeel dheer arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo wax ka dhiga  North Carolina’s Davidson College, mar uu ka faaloonayay tilaabadaas iyo wax tarkeeda.

Dowladda KMG ah, oo wax laga waydiiyay haddii ay wax ka leeyihiin arrintaas, ma bixin wax jawaab ah, hase yeeshee waxaana jira soo jeedin kale oo miiska UN-ka saaran taas oo wadamada deeqda bixiya, kuwa Soomaaliya wax siiya iyo kuwa caalamkaba looga talo gelinayo inay wada abuuraan guddi isku dhaf ah oo arrintaan baaritaanka ah xog ogaal ka  noqda.

Warbixintu waxay sheegtay in Xukuumadihii Soomaaliya, intooda badan ay ahaayeen kuwa haysta Laba dhalasho, halka kuwaas iyo kuwa kale ay heleen fursado ay dhaqaalo ku geystaan dibadaha Soomaaliya.
Warbixintu waxay xustay oo tusaale usoo qaadatay in Ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas, Wasiirkiisa gaashaan dhigga iyo wasiirka maaliyaddu intuba yihiin Mareykan, halka sidaasi oo kale qaar badan oo ka mid ah wasiiradiisuna ay haystaan dhalashooyin British, Canadian iyo wadamo kale.

SomaliSwiss Burussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: