Advertisements

Ciidamada dowladda KMG oo Gabdha iyo Xaasas laqabo oo ku Jira Kaamamka Barakacayaasha u geystay Kufsiyo foolxun.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

undefinedHalkaan ka akhri

Telefishinka Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingriiska ayaa waxaa uu baahiyey Muuqaal murugo badan ku reebay dadka Soomaaliyeed ee k u nool dalka dibadiisa, Wariye ka tirsan TV- ga, Channel 4 oo lagu magacaabo Jamaal ayaa soo bandhiga tacadiyo dadka barakacayaasha ku dhaqan Kaamamka magaalada Muqdisho ay u geystaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasi oo ku kaca  dhac iyo kufsi iyo waxyaala kale oo foolxun.

Sida uu cadeeyay wariyahan Soomaaliyeed, Dumarka qaarkood ayaa si bareer ah waxaa lagu horkufsaday nimankooda oo hortaagan, iyadoo arinkaasina cid wax ka qabata aanay jirin.

SAWIRKA DUSHIISA RIIX SI AAD U DAAWATO

Waraysiyo la isku dayay in laga qaado masuuliyiinta dowladda KMG ayaa lasheegay in ay diideen in ay saxaafada uga waramaan wax walba oo ku saabsan arrinkaas oo noqotay wax lala yaabo.

Masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa in badan idaacadaha ka sheega in ay wax ka qaban doonaan amaba ay wax ka qabteen ciidanka dowladda ee dadka rayidka ah u geysta Dilalka, Dhaca, Kufsiga iyo waxyaaba kale oo badan.

Advertisements
%d bloggers like this: