Advertisements

Buug Cusub oo ka hadlaya Taariikhdii Jaalle Siyaad iyo dawladii Kacaanka ee Soomaaliyeed.

undefinedHalkaan ka akhri

Buug Cusub: Taariikhdii Jaalle Siyaad iyo dawladii Kacaanka

Daabaacaadii kowaad ee buugga taariikh nololeedkii iyo hogaankii madaxweynihii ummada Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa soo baxay.

Buggan oo ku qoran luuqada Ingriiska ayaa si qoto dheer oo cilmiyaysan u soo bandhigaya noloshii, hogaankii iyo guud ahaan taariikhdii madaxweynihii sadexaad ee Soomaaliya. Buugan oo ciwaankiisu yahay “Somali President, Mohammed Siad Barre: His Life and Legacy” ayaa gaaraya illaa 320bog oo xanbaarsan sawiro taariikhi ah.

Jaalle Siyaad waa hoggaamiyihii cinqilaabka aan dhiigu ku daadan ee ciidanka Soomaaliyeed kula wareegeen talada dalka 21 Octoobar, 1969. Sagaal sano ka dib xoriydii curdoonayd ee dhalatay 1960, inta aanay ciidanku talada la wareegin xaalada dalku waxay ahayd mid aad u jaahwareesan. Maamulku waxaa uu ahaa musuq aad u tabar daran, waxaa jiray qabyaalada, dalkana horumar kama jirin.

Kadib markii ay dhalatay towradii Kacaanku waxaa bilowday isbal taariikhi ah iyo horumar. Tawradii kacaanku waxay ku tilaabsatay wax-qabad ku wajahan; kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee horumarka bulshada.

Waxaana la mamnuucay qabyaaladii. Waxaa la hirgaliyay iskaashatooyin xoogan oo laf-dhabar u noqday horumarkii ummada. Dalkii waxaa lagu dhisay iskaa wax u qabso. Waxaa la qorey Af-Soomaaligii, ubadkii dalkuna waxay nasiib u yeesheen inay afkoodii hooyo wax ku bartaan.

Buuggani waxa uu markhaati iyo raad reeb ka yahay taariikhdii dheerayd ee Jaalle Siyaad, xumaantiisa iyo wanaagiisa, waxaana uu da’yarta iyo dhamaan ummada inteeda kalaba siinayaa fursad ay dib ugu jaleecaan cutub ka mid ah taariikhdii bari-samaadkii Soomaaliya.

Waxaa uu akhriste kasta uga jawaabayaa su’aalo badan oo muhiim ah. Waxaa uuna u soo bandhigay qoruhu siday ahayd sax iyo khaladba. Waana lagama maarmaan in qof kastaa akhriyo.

Waxaa qorey Maxamed Ibrahim Shire oo ah nin dhalinyaro ah oo ku barbaaray yurubta galbeed, bartay culuumta sayniska, dagana dalka Ingiriiska. Qoruhu waxaa uu ku dhashay Soomaaliya oo uu mudo 21 sano ah moogyahay. Waxaa uu mudo dheer ku gudo jiray aruurinta iyo soo bandhigida taariikhda Soomaaliyeed. Waxaana uu hirgaliyay dhawr sano ka hor shabakada JaalleSiyaad.com oo lagu kaydiyo laguna soo bandhigo taariikhdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre.“Waa Buug Xiligiisii Joogga, Qoruhuna U-hagar Baxay”

Ahmed Adan

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: